Hanuunin bulsho

(Samhällsorientering)

Cinwaanadaan bidixda ku taxan waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan sida ay bulshadu ku shaqeyso iyo meelaha aad arrimahaaga kala duwan uula tagi karto. Waxaad masalan ka akhrisan kartaa fursadaha jira xagga waxbarashada iyo sida loo turjumo oo loo tixgeliyo shahaadooyinka dibedda lagala yimid. Waxaad sidoo kale ka akhrisan kartaa sida daryeel caafimaad lagu raadsado, sida loo galo safka guryaha iyo warbixin ku saabsan dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha iyo sida Iswiidhan loo hoggaamiyo.

Warbixintu waa mid kooban, waxaana dabcan jira waxyaalo kale oo farobadan ee nolosha bulshada ka mid ah ee loo quurgali karo. Macluumaadka hoos yimaada cinwaanada kala duwan waxaa laga helaayaa iskuxireyaal kugu xiriirinaya bogag ay ku uruursan yihiin warbixinno intaa ka faahfaahsan. Iskuxirayaashu waxay sidoo kale ku keydsan yihiin oo ay hoos yimaadaan cinwaanka Qoraalo iyo iskuxireyaal. Bogag badan ee ka mid ah kuwa ay iskuxirayaasheena kugu xiriirinayaan waxaa laga helayaa warbixinno ku qoran af-iswiidhish fudud iyo afaf kale oo kala duwan, haddii kale waxay kugu xirayaan bog ku qoran af-iswiidhish caadi ah.

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter