Waxyaalo anaga nagu saabsan

(Om oss)

Centrum för samhällsorientering i Stockholms län (CSO) waa xafiis guud oo ka dhaxeeya dhammaan degmooyinka gobolka Stockholm iyo degmada Håbo ee gobolka Uppsala. Waxa uu xafiisku isku dubaridaa, qorsheeyaa oo u horumariyaa koorasyada hanuuninta bulshada ee dadka dhawaan dalka yimid iyo kuwa qaraabada ajaanibka ee ku nool degmooyinka hoose:
Botkyrka, Danderyd, Ekerö, Haninge, Huddinge, Håbo, Järfälla, Lidingö, Nacka, Norrtälje, Nykvarn, Nynäshamn, Salem, Sigtuna, Sollentuna, Solna, Stockholm, Sundbyberg, Södertälje, Tyresö, Täby, Upplands-Bro, Upplands Väsby, Vallentuna, Vaxholm, Värmdö and Österåker.

Hanuuninta  bulshadu waa koorso bilaash ah oo ku saabsan bulshada Iswiidhan. Waxay koorsadu dadka Iswiidhan ku cusub siinayaa aqoon ku saabsan xuquuqdooda iyo masuuliyadooda, dimuqraadiyadda Iswiidhan iyo sida ay bulshadu u habaysan tahay. Waxa Hanuuninta  bulshadu lagu dhigaa luqada hooyo ee ka qeybqaatayasha ama luqad kale oo ay si fiican u yaqaanaan. Ama waa xafiiska shaqada ama degmada la degan yahay cida ka qeybqaataha koorsada qoreysaa.

Hanuuninta bulshada ee gobolka Stockholm waxaa loo qabtaa iyadoo la isticmaalaayo waxqabadyo la soo iibiyay. Waa shirkadaha waxbarashda ee ABF Stockholm iyo Cuben Utbildning AB cida bixinaysa ee koorsooyinka qabtaa. Waxa uu heshiiska haddu shaqeynayaa ilaa 2023.

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter