Hoyga iyo dhaqaalaha

(Boende och ekonomi)

Qeybtani waxay ku saabsan tahay noocyada kala duwan ee guryuhu ay yihiin, sida loo dalbado in aad hesho guri iyo waxyaabaha aadka u muhiimka ah marka aad ka fakirto in aad guurto. Waxay kale oo ku saabsan tahay xuquuqda aad leedahay, ka macmiil ahaan iyo sidii aad isugu hagaajin lahayd dhaqaalaha aad shakhsi ahaan adigu u leedahay.


Nuxurkii oo kooban

(Innehåll i korthet)

  • Hyresgästföreningen waxay taageero siisaa dadka guryaha kirada ugu jira oo xubinta ka ah ururka.
  • Kolka loo guurayo guri cusub waxaa muhiim ah in la kala qorto heshiiska kirada.
  • Cidda kireyneysa guri gacanlabaad ah ama qol guriga ka mid ah ma dalbi karo kiro aad u sarraysa.
  • Waxaa jira guryo khaas ahaan loogu talagalay dadka waayeelka ah.
  • Waxaa jira guryo khaas ahaan loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada naafada ah.
  • Haddii la iska qoro bostadsförmedling waxaa la heli karaa guri gacankoowaad ah.
  • Kolka loo guurayo guri cusub waxaa cinwaanka cusub lagu wargelinayaa hay’adda Skatteverket. Waxaa muhiim ah in la ogeysiiyo cinwaanka cusub shirkadaha macmiisha laga yahay si warqadaha iyo warqadaha biilasha loo keeno cinwaan sax ah.
  • Caymiska gurigu wuxuu magdhaw ka bixiyaa haddii waxyeelo guriga soo gaarto ama la xado.
  • Qoysaska carruurta haysta iyo dhallinyarada ay ku adag tahay in ay bixiyaan kirada waxay ka codsan karaan xafiiska Försäkringskassan in laga kaalmeeyo lacagta kirada.
  • Guddiga ammuuraha kaalmada iyo waxbarashada ardayda Centrala studiestödsnämnden waxay lacag amaahin kartaa qofka u baahan inuu iibsado alaab uu dhigto guri cusub.
  • Sharciga ayaa go’aamiya xuquuqda qofka macmiisha ahi leeyahay iyo waajibaadka saaran.
  • Lataliyaha macmiisha ee degmada ayaa laga heli karaa warbixin ku saabsan xuquuqda macmiisha. Wuxuu kaloo warbixin kaa siin karaa xagga dhaqaalaha guriga.
  • Hay’adda Konsumentverket waxay soo saartaa buug yar oo ku saabsan sida qofku dhaqaalihiisa u hagaajin lahaa, waxaana lagu magacaabaa Koll på pengarna. Wuxuuna ku qoran-yahay afaf kala duwan.
  • Lataliyaha degmada u qaabbilsan arrimaha la xiriira dhaqaale iyo daynta wuxuu warbixin iyo taageero siin karaa dadka dhibaato ka haysato dhaqaalaha. Wuxuu kaloo kaa caawini karaa habkii aad u codsan lahayd cafinta daynta.
  • Kronofogden waxay shaqadeedu tahay in daymanka soo ururiso. Iyaga ayaana oggolaada cafinta daynta.

Senast uppdaterad: december 2009
Källor: omBoende.se, Hyresgästföreningen, Hyresnämnden, Jagvillhabostad.nu, Sökstudentbostad.nu, Vårdguiden, Skatteverket, Försäkringskassan, CSN, Konsumentverket, Skatteverket, Allmänna reklamationsnämnden (ARN), Kronofogden
Översättning: Semantix
Ansvarig utgivare: Per Andersson, Botkyrka kommun

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter