Degaanka iyo Qashinka dib loo isticmaalo
(Miljö och återvinning)
Kala soocidda qashinka
(Sopsortering)
Maxaa loo kala soocayaa qashinka?
Qashinka waxa ku jiri kara walxo halis ah iyo kuwa qiimo leh. Kala soocidda qashinku waxa ay keenaysaa in kuwan si ammaan ah loo maareeyo. Inta badan dib baa loo isticmaali karaa loogana samayn karaa alaab/qalab cusub iyada oo la raacayo qaab/hab dhowraya dadka iyo deegaanka. Alaabtan marar badan dib loo isticmaalayo darteed waxa inoo kaydsamaya tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah.
Kala soocidda qashinku waa qayb ka mid ah qorshaha Isutagga Yurubta ee habka loo maareeyo qashinka si aanu dhaawac u soo gaadhin deegaanka iyo dadka. Faahfaahin dheeraad ah waxa ay ku qoran tahay luqado/afaf badan.
Waxa sidoo kale jira sharci sheegaya in dadku dhammaan qashinkooda kala soocaan.
Ka akhri faahfaahin dheeraad ah www.sopor.nu
Bogga internetka ee Shirkadda Förpacknings- och tidningsinsamlingen waxa aad ka eegi kartaa goobta kala soocidda qashinka ee kuugu dhaw waddanka oo dhan. Goobta kala soocidda qashinka waxa lagu kala soocaa kartoonada/baakadaha, joornaallada iyo quraaradaha/dhalooyinka. Sidoo kale waxa aad ka helaysaa cinwaanka xarumaha kala soocidda qashinka. Xarumaha qashinku waxa aad geyn kartaa qashinka waaweyn, qashinka laydhka/korontada iyo qashinka khatarta ah.
Sidee baan u yareynaa saameynteenna deegaanka?
(Hur minskar vi vår miljöpåverkan?)
Waxaa jira waxyaabo badan oo la sameyn karo si loo yareeyo saameynta deegaanka ee nolol maalmeedka. Halkan waxaa ku qoran talooyin ka mid ah:
- Lugee, baaskiil kaxayso ama qaado gaadiidka dadweynaha halkii aad baabuur ka wadi lahayd. Qiiqa hawada (kaarboon dhayoksaydhka) saddex-meelood meel ka mid ah Iswiidhan waxay ka timaaddaa gaadiidka.
- Gaadiid qof la wadaag marka aad shaqo, dugsi/iskuul ama kulan tagaysid.
- Isticmaal baabuur shidaal cun yar ama baabuur ku shaqeeya shidaal ka duwan kan caadiga ah, sida gaaska ethonolka.
- Waddanka gudihiisa tareen u kala raac intii aad diyaarad qaadan lahayd.
- Iibso oo isticmaal qalab tamar badan aan cunayn. Heerka tamarta ee A, A+ ama A++ ayaa ugu tamar cunid yar.
- Isticmaal nalka/guluubka tamarta yar qaata.
- Dami laydhka/nalka marka aad qolka ka baxdid.
- Iibso korontada deegaanka u fiican (Bra Miljöval) ee laga dhaliyo ilaha awoodeed ee la cusboonaysiin karo, sida dabaysha, biyaha iyo qorraxda.
- U fiirso meelaha alaabaha dukaanka lagu sameeyay. Dooro alaabta meelaha dhaw lagu sameeyay.
- Iibso alaabta/cunada leh calaamadda dabiiciga ah iyo ta cadaaladda.
- Dawooyinka dhacay iyo kuwa dheeraadka ah ugee farmashiyaha.
- Saabuun/oomo xad dhaaf ah mishiinka dharka iyo ka weelka ha ku shubin. Tani waxa ay u xun tahay deegaanka iyo mishiinnada dharka iyo weelkaba.
Macluumaad dheeraad oo ku saabsan waxa la qaban karo si loo yareeyo saamaynta cimilada waxa aad ka helaysaa bogga Miljöportalen