Dhaqaalaha guriga

(Hushållsekonomi)

Dhalaaha gurigu wuxuu ku saabsan yahay, sidii dhaqaalaha gaarka ah la isugu fileysiin lahaa. Wuxuu kaloo ku saabsan yahay sidii loo maamuli lahaa dakhliga iyo kharashka.


Qorsheynta miisaniyad-shaqssiyeedka

(Att göra en budget)

Waxaa qof waliba u wanaagsan in uu qorshe u dejiyo dhaqaalaha gaarka ah. Qorshaha dhaqaalaha waxaa lagu qoraa dhammaan dakhliga qofka soo gala iyo kharashka ka baxa. Sidaas ayuu qofku u la socdaa dhaqalihiisa oo uu fursad ugu helaa inuu sameeyo isbeddelka loo baahnaan karo, sida inuu qorshe u sameeyo dib u bixinta deymanka lagu leeyahay.

Hay’adda Konsumentverket waxay daabacdaa buug yar oo lagu magacaabo Koll på pengarna. Waxaana buuggaas ku qoran talooyin habka ugu fudud oo loo dejin karo qorshe lagu maamulo dhaqaalaha iyo tusaalooyin ku saabsan habka lacagta la isugu fileysiiyo. Buugu wuxuu ku qoran yahay afaf badan, waxaana bilaash looga soo qaadan karaa bogga Internet-ka ee Konsumentverket.

Waxaa kaloo la la xiriiri karaa lataliyaha macmiisha ee degmada si loo helo taageero iyo tusaale ku saabsan dhaqaalaha guriga, tusaale ahaan dejinta dhaqaalaha.


Talasiinta qorshaha dhaqaale iyo deynta

(Budget och skuldrådgivning)

Degmooyin badan waxay dadka ugu deeqaan talo ka siinta arrimaha qorshaha dhaqaalaha iyo deynta. Lataliyeyaashu waxay siiyaan taalooyin wax ku ool ah, dadka ku dhibaateysan sidii ay u maamuli lahaayeen dhaqaalahooda. Waxaa ka mid ah habka qorshe dhaqaale loo dejiyo, qorshaha bixinta deymanka iyo in ay ka taageeraan habka loo codsado skuldsanering. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan skuldsanering waxaa laga akhrisan karaa hoos.

Si loo la xiriiro lataliyaha arrimaha dhaqaalaha waxaa la tagaa maamulka degmada. Taageeradiisuna waa lacag la’aan laakiin waqti dheer ayey qaadan kartaa in xiriir la yeesho lataliyaha arrimaha qorshaha dhaqaale iyo deymanka. Sidaas awgeed, waxaa habboon in goor hore taageero la weyddiisto.


Bixinta biilasha

(Betala räkningar)

Bililasha aan dhaqso loo bixin waxay qofka ku noqon qaali. Badanaaba waxaa qofka loo soo diraa warqad xusuusin ah oo waxaa la saaraa lacagta la soo daah ah. Shirkado badani waxay biilasha aan la bixin ku wareejiyaan shirkadaha deyn soo ururinta inkassoföretag, oo lacag dheeraad ah ka qaata qofka macmiisha ah si deyntaas u soo ururiyaan.

Haddii aan biilka lagu bixin waqtiga inkassoföretaget waxaa loo diraa hay’adda Kronofogden. Haddii aan deyntaas lagu bixin Kronofogden waxay hay’addu gaartaa go’aan ay uga soo qaadi karto qofka wixii alaab qiimo leh. Taas micneheedu waxa in qofka laga qaado qayb ka mid ah mushaharkiisa ama hantida uu leeyahay oo deyntaas lagu bixiyo.

Kolka deyman waqtigooda lagu bixin waxaa ka imaan karaa in qofku yeesho betalningsanmärkning. Micnaha betalningsanmärkning waxa weeye in qofka ku adkaato inuu bangi lacag ka amaahdo, inuu iibsado baabuur ama inuu furto carbuunta taleefoonka gacanta.

Haddii ay qofka ku adag tahay inuu deyntaas waqtiga loo qabtay ku bixiyo, wuxuu mar walba la xiriiri karaa shirkadda oo weyddiisan karaa in bixinta deynta laga sugo waqti gaaban. Wuxuu kaloo codsan in deynta loo qaybiyo si uu tartiib tartiib ugu bixiyo. Waxaa kaloo la la xiriiri karaa lataliyaha degmada u qaabbilsan arrimaha macmiisha si uu uga taageero la xiriirka shirkadda.

Biilka ugu muhiimsan in waqti lagu bxixiyo waxa weeye kirada guriga. Haddii aan la bixin kirada waxaa dhici karta in qofka guriga laga saaro oo uu bannaanka ku soo dhaco.


Qaybqayb ku bixinta waxyallaha la iibsaday

(Köpa på avbetalning)

Dukaamo badan ayaa waxay dadka u oggol yihiin in alaabta ay iibsadaan ay u bixiyaan qaybqayb. Taas micneheedu waxa weeye in kharashka la qaybiyo oo waqti dheer lagu bixiyo, sida bishiiba mar, laba sano gudhaood.

In qaybqayb loo bixiyaa waxay noqon kartaa qaali, waayo shirkaduhu waxay dulsaaraan khidmad iyo dulsaar. Sidaas awgeed, waxaa muhiim ah in la iska hubiyo inta dulsaarka dhabta ahi le’eg yahay. Dulsaarka dhabta ahi waxa weeye wadarta kharashka amaahda, waxayna isugu jirtaa dulsaarka iyo khidmadaha laga bixiyo amaahda.


Amaahda bangiga

(Låna hos banker)

Haddii aad dooneyso inaad iibsato guri ama baabuur, waxaad u baahnaan kartaa in aad lacag ka amaahato bangi.

Haddaba si amaah looga helo bangi, waxaa shuruud ah, in qofka uu soo galo dakhli uu shaqo ka helo. Bangigu wuxuu baaritaan ku sameeyaa sida qofka macmiisha xaaladdiisa dhaqaale tahay. Taas oo micneheedu in bangigu baaritaan ku sameeyo hantida qofku leeyahay iyo inuu awoodi karo in uu amaahda dib u bixiyo. Kolka waxaa la isla gartaa shuruudaha amaahda, taasoo ah lacagta dulsaarka ah oo qofka macmiisha ahi bixinayo. Dulsaarku waxa weeye kharashka amaahda. Inta dulsaarku le’eg yahay waa ay kala duwanaan kartaa, oo marna waa sarraysaa marna waa hooseysaa.


Cafinta daynta qaar ahaan ama gebi ahaan

(Skuldsanering)

Dadka qaba dayn aad u weyn oo aan awoodin in ay dib u bixiyaan, waxaa laga caawini karaa in ay codsadaan in dayntaas qaar ahaan ama gebi ahaan laga cafiyo. Taas micneheedu waxa weeye in qofka daynta laga cafin karo kadib markii uu shantii sano ugu dambaysay uu bixinaayey intii awooddiis ah. Waqtigaasna wuxuu ku noolanayaa inta ugu hooseysa ee qof ku noolaan karo.

Si laguugu oggolaado cafinta daynta waa in sanooyin badan dayn ku jirtay oo aad isku wax walba oo aad dhaqaalahaaga ku hagaajineyso.

Codsiga cafinta daynta waxaa iyadoo qoraal ah loo gudbiyaa hay’adda Kronofogden. Warbixin ku saabsan habka loo codsado iyo arjiyada waxaa laga heli karaa boggooda internet-ka. Waxaa qoritaanka codsiga dayn-cafinta kaa caawini kara lataliyaha arrimaha dhaqaalaha iyo daymaha ee degmada.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter