Bulsho barwaaqasooran ku nool

 

(Välfärdssamhället)

Dalka Iswiidan waxaa maanta lagu magacaabaa bulsho barwaaqasooran ku nool. Barwaaqasooranku wuxuu ku saabsan yahay xaaladda nolosha bulshada, sida dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo guryaha.

Bulsho barwaaqasooran ku nooli waxay ku dhisan tahay isu gargaarka – in dhammaan bulshadu wax ka bixiso waxna ka dheefto barwaaqasooreanka. Haddaba si ay taasi u suuragasho waxay bulshadu ku dadaashaa in dib loo qaybiyo khayraadka iyo lacagta dalku leeyahay si wax loo taro dadka liita. Taasina waxay ka timaadaa canshuurta.


Taariikhda barwaaqasooranka

(Välfärdssamhällets historia)

Dalka Iswiidan weligeed ma aysan soo ahayn dal barwaaqasooran ku nool. Bartamihii qarnigii 1800 ma aysan ahayn xilli barwaaqo oo waxay ahayd dal fakhri ah. Dadka intiisa badani waxay ka shaqayn jireen beeraha iyo dhaqashada xoolaha.

Laga soo bilaabo bartamihii qarnigii 1800 ilaa 1930 waxaa haajiray dad lagu qiyaasay 1,3 milyan oo qof oo u kala haajiray dalal kale oo ka mid yihiin USA, Canada, Koonfurta Amerika iyo Australia. Waxaana sabab u ahaa in dad sidaas u badani guuraan, fakhri, cadaadis diineed, niyadjab iyo xorriyad siyaasadeed la’aan.

Dhammaadkii qarnigii 1800 waxay dalka Iswiidan iska beddeshay bulsho beeraley ah oo isu beddeshay bulsho isticmaasha sancadda warshadda. Warshaduhu waxay ku dhisnaayeen khayraadka dalka sida naxaasta, kaymaha iyo quwadda biyaxireenada. Hareeraha warshaha waxaa laga dhisay bulsho ka kooban shaqalaha warshadaha iyo qoysaskooda, waxaana loo furay dug’siyo iyo rugo caafimaad. Haddaba gargaarka bulshadu wuxuu ka bilowday warshadaha oo qayb ka ahaa asaaska bulshada maanta barwaaqasooranka ku nool.

Dhammaadkii 1920-dii wuxuu raysal wasaarihii kolkaa la doortay Per Albin Hansson inuu ka hadlo wax loogu yeeray folkhemmet, oo micneheedu ahaa in bulshadu isku shuruud u qaybsato khayraadka dalka.

Habkii warshadaynta iyo folkhemmet wuxuu isu beddelay Caymiska bulshada. Wuxuuna maanta yahay ammaan dhaqaale kolka ay dhacdo ay uusan qof isku masruufi karin musha-harka shaqada. Caymiska bulshadu wuxuu kaloo saameeyaa fasaxa waalidka, bukaanka, naafada iyo gabowga. Caymiska bulshada waxaa gacanta ku haya hay’adda Försäkringskassan.


Sidee lagu maalgeliyaa barwaaqasoorka?

(Hur betalas välfärden?)

Kharashka ku baxa barwaaqasoorku aad ayuu u sarreeyaa. Waxaana lagu maalgeliyaa canshuuraha, khidmadaha dadku gaar u bixiyaan iyo lacagta cidda shaqada bixisaa ka goyso mushaharka.

Dhammaan waxay dadku canshuur ka bixiyaan dakhliga soo gala. Waxaa kaloo canshuur loo yaqaan moms laga bixiyaa wax kasta oo la iibsado.

Kolka qofku u baahdo dhakhtar, dhakhtarka ilkaha iyo xannaanada waayeelka wuxuu bixiyaa qayb kharashka ka mid ah. Waxaana lagu magacaabaa egenavgift. Inta kale waxaa lagu bixiyaa canshuuraha.

Cidda shaqada bixisa, mushaharka ay bixiso ka sokow, waxay dowladda siisaa lacag khidmad ah. Waxaana lagu magacaabaa arbetsgivaravgift.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter