Taariikhda magaalada Stockholm

 

(Stockholms historia)


Sanooyinka 1150-1252: Stockholm waxay u soo ekaaneysaa magaalo

(År 1150-1252: Stockholm börjar bli en stad)

Jasiiradda yar oo lagu magacaabo Gamla stan waxay u dhexeysaa harada Mälaren iyo badda. Waxaa jasiiradda loo isticmaalaa dekad ahaan oo waxaa ku soo xirta doonyaha naxaasta iyo birta sida oo ka yimaada Mälaren. Waxaa dhinaca badda ka soo gala maraakiib ka yimaada Yurub oo ay saaran yihiin badeecooyin aan dalka Iswiidan laga helin oo ay ka mid yihiin cusbo, xawaash iyo khamriga fiinada. Waxaa cirifta ugu sarreysa jasiiradda laga dhisayaa minaarad difaac. Lama oga tirada dadka ku nool halkaas.


Qarniyadii dhexe iyo magaalada Stockholm

(Medeltidens Stockholm)

Waxaa la bilaabay dhismaha guryo badan maadaama uu ganacsiga iyo bad-maaxnimadu keentay in ay halkaas yimaadaan farsama-yaqaanno sida kaba-tolayaal, rootile, harqaanle iyo kuwo kaloo badan. Waxaa la bilaabay dhismaha gidaar magaalada ku wareegsan, minaaradda agteedana waxaa laga dhisay qasriga Tre Kronor. Dalka Iswiidan waxaa xilligaan laga aamminsan yahay madhabta kaatoliga, sidaas darteed waxaa Stockholm laga bilaabay dhisidda kaniisado badan oo loogu talagalay dadka magaalada ku nool. Kaniisadaha dhismahooda la bilaabay waxaa ka mid ah Bykyrkan oo hadda lagu magacaabo Storkyrkan iyo kaniisado kale oo badan oo ay ka mid tahay Klara kyrka.

Dagaalo badan ayaa waqtigaan socday oo badanaaba lagula jirey dalka Denmark. Sannadkii 1477-meeyadii waxay iswiidhishku kaga guuleysteen ciidamadii daanishka oo dagaal ku dhexmaray Brunkeberg. Sannadkii 1520 waxay daanishku ku guuleysteen xukunkii dalka Iswiidan, taas oo ka dhigtay boqorkii Denmark boqor Kristian II mid ka mid ah ragga ugu xoogga badan dalka Iswiidan oo ka qaybgala xasuuqii Stortorget ee Stockholm. Sannadkii 1530-meeyadii wuxuu dalka Iswiidan ku wareegay madhabta lutheranka ee diinta masiixiga. Tirada dadku waxay 1590-kii ahayd 9000 oo qof.


Qarnigii 16:aad: Magaalada Stockholm waxay isku noqotay magaalamadaxa dalka

(1600-talet: Stockholm blir en riktig huvudstad)

Dalka Iswiidan wuxuu dagaaladii ku noqday awood la tirsado, waxaa na la bilaabay in magaaladii Stockholm ee waagaas yarayd la dhiso oo la weyneeyo, waayo lacag badan ayaa la haystay. Guryo badan oo alwaax ka samaysan ayaa la raray ama la dumiyey. Dabaqadda sare waxay bilowday in ay qasriyo dhigtaan. Waddooyinkii qalqaloocnaa oo magaaladana waxaa laga dhigay kuwo toosan. Waxaa la dhisay waddooyin ay ka mid yihiin Drottninggatan iyo Regeringsgatan. Boqoraddii Kristina ayaa ka talineysay sannadihii u dhexeeyey 1650-1654. Caawimaad laga helay Holland ayaa lagu dhisay gacankii ugu horreeyey oo laga dhisay Slussen.

Dad ayaa ka kala yimid miyiga dalka Iswiidan, iyo weliba Jarmalka, Holland iyo dalalka kale oo qaarada Yurub ka yimi ayaa Stockholm soo degay. Waxaa kaloo magaalada ku sugnaa ciidan loogu talagalay dagaalada Yurub ka socday iyo farsamayaqaanno leh aqoontii loogu baahnaa dhisidda qasriyo cusub. Magaaldu aad ayey u sii ballaaratay. Dad badan ayaa soo degay degmooyinka Norrmalm, Södermalm iyo Kungsholmen. Sannadkii 1697:meeyadii waxaa gebi ahaanba gubtay qasrigii Tre Kronor. Tiradii dadku dhaqso ayey u korodhay oo waxay gaartay qiyaastii 45 000 sannadkii 1670:kii.


Qarnigii 17:aad

(1700-talet)

Dagaaladii ma noqon kuwo lagu guuleysto, Stockholm ma ahayn magaalo sidii hore hanti lahayd. Sannadkii 1723 waxaa la bilaabay dhismaha qasriga cusub oo uu naqshadeeda dejiyey hindisihii Tessin. Sannadkii 1754:tii waxaa la dhammaystiray qasrigii, si loo sharaxana waxaa dalka Iswiidan lagu casumay farshaxanyaqaanno shisheeye ah oo ka kala yihim dalalka Talyaaniga, Jarmalka iyo Faransiiska. Frashaxanyaqaanno badan ayaa halkaan ku haray, taas oo yididiilo cusub gelisay noloshii dhaqanka iyo hiddaha. Gacan cusub ayaa waxaa dhisay Christopher Polhem. Carl Michael Bellman wuxuu bilaabay inuu qoro heeso cusub oo ka sheekeynaya nolosha dadka Stockholm ku noola oo uu si nololi ku jirto u curiyey, taasoo keentay in ilaa maanta lagu heeso. Boqor Gustav III ayaa sannadkii 1792:meeyadii lagu toogtay xaflad la xirnaa dhar madaxa lagu shareeray. Tirada dadku waxay sannadkii 1790:kii ahayd qiyaastii 72 000 qof.


Qarnigii 18:aad

(1800-talet)

Cudurka daacuunka oo safmar ah ayaa laayey dad badan. Meelo badan oo ay ka mid yihiin agagaarka goobta Gullmarsplan waxaa ilaa maanta ku aasan dadkii ku dhintay daacuunkaas. Sannadkii 1860:meeyadii waxaa la geliyey dhuumaha biyaha oo kolkii biyo nadiif ah la helay waxaa yaraaday dhimashada carruurta. Bartamihii qarnigii 18:aad waxaa la dhisay gacan kaloo cusub. Dhammaadkii qarnigii 1800:aad waxaa la dhisay warshado badan iyo goobo farsama-gacmeed oo magaalada bartameheeda laga furay. Dad badan ayaa miyiga ka soo guuray oo magaalada soo degay. Isu socodkaas waxaa fududeeyay tareeno iyo doonyo uumi ku shaqeeya. Waxaa mar kale la bilaabay duminta guryihii gaboobay iyo dhisidda guryo dhaadheer oo dhagax ka samaysan. Dadka maalqabeenka ah waxay degganaayeen guryo waaweyn laakiin dadka badankood wuxuu degganaa hab ciriiri ah. Badanaaba qoys ka kooban siddeed qof ayaa waxay degganaayeen hal qol iyo jiko. Waxaa la dhisay dugsiyo ay ka mid ahaayeen Sofia, Matteus iyo Gustav Vasa oo carruurta loogu talagalay. Sannadkii 1852:dii waxaa sharci noqday dugsiyada asaasiga ah oo 6 sano ah. Stockholm waxay u fideysey hab aan horay loo arag. Tirada dadku waxay sannadkii 1880 ahayd qiyaastii 200 000.


Qarnigii 19:aad

(1900-talet)

Dagaalkii koowaad ee dunidu wuxuu sababay in cunto yaraan magaalada Stockholm ka dhacda. Sannadkii 1914:kii waxaa la qabqabtay dumar badan kadib markii ay qalalaaso gaajo ku sameeyeen dadka baradhada iibiya. Waxaa la bilaabay in jardiinooyinka lagu beero kabash meeshii looga beeri lahaa ubaxyo. Sannadkii 1923 waxaa la furay Stadshuset. Sannadkii 1925 waxay dumarku xaq u yeesheen markii ugu horreysey in ay codbixiyaan. Sannadihii 1930-meeyadii waxaa la dhisay jardiinooyin iyo meelo carruurtu ku ciyaarto. Waxaa la bilaabay shirkadaha guryaha oo ay ka mid yihiin Stockholmshem iyo Svenska Bostäder si dadka Stockholm ay u helaan guryo kiro ah iyo in wax laga qabto ciriiriga dadku u degganaa. Waxaa bilowday dhismaha xaafadaha magaalada ka baxsan.

Waxaa la dhisay habka barwaaqasooranka oo ay ka mid yihiin xannaanada waayeelka, rugaha daryeelka caafimaadka carruurta iyo xarumaha xannaanada carruurta. Waxaa isla markaana la dhisay isbitaalada Södersjukhuset, Karolinska sjukhuset iyo S:t Görans sjukhus. Waxaa batay gaadiidka magaalada, waxaana la dhisay tareenada, basaska, tareenada hoos mara, waddooyin cusub iyo goobaha baabuurta la dhigo. Sannadkii 1935:tii waxaa la dhisay gacan cusub oo loogu talagalay gaadiidka baabuurta oo soo batay. Waxaa sannadihii 1960-70 la dumiyey xaafadda Klara oo ku taal bartamaha Stockholm. Waxaa beddelkeedii la dhisay Hötorget iyo Sergels torg iyo guryo cusub oo laga dhisay meeshii kuwii hore. Golaha Sare ee Degamddu wuxuu iibsaday dhul uu dhismayaal cusub ka bilaabay. Xafaadaha Skärholmen, Tensta Rinkeby iyo Husby waxay hadda ka mid noqdeen degmada Stockholm. Waxaa yimid dad shisheeye ah oo dalal kala duwan ka kala yimi oo kuwo badani waxay guryo ka heleen xaafadaha magaalada duleedkeeda ah. Waxaa sannadkii 1986:dii lagu dilay Ra’iisal wasaarihii Olof Palme waddada Sveavägen.


Qarniga 20:aad

(2000-talet)

Waxaa hadda la bilaabay qorshaha gacan cusub. Kuwo badan oo ka mid ah dugsiyada barbaarinta, dugsiyada iyo rugaha daryeelka caafimaad oo horay degmadu u lahayd ayaa hadda noqday kuwo gaar loo leeyahay. Waxaa la duminayaa goobihii warshadihii hore si looga dhiso guryo la dego. Waxaa la dhisay xaafado cusub oo ay ka mid tahay Hammarby sjöstad. Waxaa la soo celiyey tareenadii yaryaraa oo la joojiyey sannadihii 1960-mayadii si loo helo gaadiidka degaanka u wanaagsan oo lagu beddelo baabuurta.

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter