Ku soo dhawoow Iswiidhan

 
 
Välkommen till Sverige

Koorasyada hanuuninta bulshada ee gobolka Stockholm lagu qabto ayaa afar qaybood loo kala qeybiyaa. Qeybta koowaad ee koorsada waxaa loo yaqaan “ku soo dhawoow Iswidhan”. Waxaad qaybtaas wax badan ka baran doontaa tusaale ahaan. Dhaqanka Iswiidhan, juqraafiga iyo taariikhda. Waxaad sidoo kale wax dheeraad ah ka baran doontaa waxyaalaha ay qiimeyso ee ay ku dhisan tahay bulshada Iswiidhan iyo sida ay hay’adaha dawaladu iyo degmooyinku meesha aad degan tahay u shaqeeyaan.
 
Tusaalooyin ka mid ah su’aalaha qeybtan koorsadan lagu soo qaato:
 
• Sidee ayay Hay’adda socdaalka iyo hay’adaha kale u shaqeeyaan?
• Waa maxay waxyaalaha ay qiimeyso ee ay ku dhisan tahay bulshada Iswiidhan?
• Sidee ayuu nidaamka daryeelka caafimaadku iyo bukaanku u shaqeeyaa Iswiidhan?
 
Waxaad godka dhanka bidix ka helaysaa macluumaad dheeraad ah iyo linkiyo qeybo ka mid ah waxyaalaha lagu soo qaadanaayo bilowga koorsada.

 

 




RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter