Ku cusub Iswiidhan

(Ny i Sverige)

Marka aad Iswiidhan ku cusub tahay, waxaa jira dhowr waxyaalood oo ay tahay inaad ka fikirto. Waxaad u baahan tahay inaad iska diiwaan geliso Hay’adda cashuuraha. Sidoo kale waa inaad iska diiwaan gelisaa Qasnadda caymiska si aad uga mid noqoto nidaamka badbaadada bulshada ee Iswiidhan.


Diiwaangelinta madaniga ah

(Folkbokföring)

Isdiiwaan gelinta macneheedu waa in aad ka diiwaan gashan tahay Hey’adda canshuuraha iyo in aad degan tahay degmo ku taal Iswiidhan. Markaad isdiiwaangeliso, waxaad heli doontaa nambarka aqoonsiga shaqsiga.

Xuquuqo badan iyo waajibaadyo aad leedahay ayaa ku xidhan in aad iska diiwaan geliso diiwaanka qaranka iyo meesha aad ka diiwaan gashan tahay.

Xaqa kaalmada carruurta iyo kaalmada kirada guriyeynta waxay ku xiran tahay in lagaa diiwaan geliyo diiwaanka qaranka. Meesha aad ku bixinayso cashuurtaada iyo codkaaga sidoo kale waxay ku xidhan tahay meesha aad ka diiwaan gashan tahay.


Deegaameynta qaxootiga dhawaan yimid

(Etablering av nyanlända flyktingar)

Waxa jira xuquuqo gaar ah oo adiga khuseeya gaadhay 20 jir balse aan gaadhin 66 jir oo haysta sharciga degenaanshaha qaxoonti ahaan, qaxoonti kooto ah, qof u baahan ilaalin ama qaraabo mid ka mid ah kuwan. Dabadeed, tusaale ahaan, waxaad xaq u leedahay inaad ka qayb qaadato barnaamijka taabo-gelinta ee wakaaladda shaqada oo aad hesho gunnada taabo-gelinta.


Barnaamijka aasaaska

(Etableringsprogrammet)

Qorshe hawleed laba sano ah ayaa lala dejinayaa horjoogaha Adeegga Shaqada. Qorshaha waxaa ka mid ah, SFI iyo hanuuninta bulshada, oo ay tahay in la bixiyo sida ugu dhaqsaha badan. Hanuuninta bulshada waa koorso bixiya macluumaad muhiim ah oo ku bilaaw wanaagsan Iswiidhan – Waxaad ku baranaysaa luqadaada hooyo ama luqad kale oo aad si fiican u taqaan!

Bogga internetka ee Hay’adda Shaqada, waxaa jira macluumaad ku qoran luqado badan oo ku saabsan barnaamijka aasaaska.


 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter