Xuquuqda gelida dhulka bannaan
(Allemansrätten)
Iswiidhan, qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu geli karo dhulka bannan. Waxa loo yaqaan sharciga guud. Allemansrätten waxaa loo isticmaalaa marka aan tamashleeyno, doon-wadid, baaskiil wadno, tusaale ahaan. Xuquuqda dadweynuhu waxay ina siinaysaa dhammaan fursad aan ugu dhaqaaqno si xor ah dhulka bannaan. Laakiin waxaan sidoo kale u baahanahay inaan qaadno mas’uuliyadda dhulka bannaaniyo duurjoogta oo aan muujinno tixgelin mulkiilayaasha dhulka iyo kuwa kale ee soo booqda. Sidaa darteed waxay ku saabsan tahay “ha qasin – ha dumin”.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaquuqda dadweynaha, doon wadida iyo miro gurida waxaa lagu qoray af iswiidhish fudud iyo dhawr luqadood oo kala duwan waxaad ka heli kartaa naturvårdsverket.se.