Warbixin kooban

(Sverige i korthet)


Dalka Iswiidan waxa weeye dal ballaaran oo dad yar ku nool yihiin. Dad dhan 10 milyan ayaa waxay ku nool yihiin dhul ballaciisu dhan yahay 450 000 kiilomitir oo iskuwareegsan. Dalka Iswiidan waa dalka shanaad xagga ballaca, waxaana ka dhul weyn Raashiya, Ukraaiina, Faransiis iyo Isbaanya.

Waxaa dalka Iswiidan ku nool 2 milyan oo dibedda ku dhashay. Ajnebiga ugu badani waxay ka kala yimaadeen dalalka Finland, Irak iyo Suuriya. Waxaa dalka Iswiidan ku nool dad qadiimi ah oo lagu magacaabo samer ka kala yimid waqooyiga dalka Iswiidan iyo waqooyiga dalalka Norge iyo Finland.


Magaalamadaxda
(Huvudstad)

Stockholm waa magaalamadaxda dalka Iswiidan, waana magaalada ugu weyn. Gobolka Stockholm waxaa ku nool 2 milyan oo qof. Guud ahaan gobolka oo dhan waxaa ka jira 26 degmo.


Dhulka
(Natur)

Dhererka dalka Iswiidan waa 1 600 km, in ku dhow kala bar oo barna waa dhul kayn ah. Waxaa ku yaal harooyin dhan 100 000. harooyinka ugu waaweyn waxaa la kala yiraahdaa Vänern, Vättern iyo Mälaren. Dalka waxaa ku wareegsan badda Östersjön.


Dimoqraadiyad iyo boqortooyo
(Demokrati och monarki)

Dalka Iswiidan waa dal dimoqraadi ah. Dadweynaha ayaana doorta siyaasiinta dalka hoggaamineysa. Dalka Iswiidan waxay kaloo tahay dal boqortooyo ah. Boqortooyo waxa weeye dal uu madaxa qaranka u yahay boqor ama boqorad, laakiin aan ahayn madaxweyne. Boqor Carl XVI Gustaf ma leh awood siyaasadeed. Taasina waxay ku qoran tahay dastuurka dalka. Waxay boqorka iyo qoyskiisu matalaan dalka Iswiidan kolka dhacaan kulamo aan siyaasad ahayn.


EU
(EU)

Dalka Iswiidan waxay xubin ka tahay ururka Midowga Yurub, Europeiska Unionen, EU. Dalka Iswiidan ma aysan dooran isticmaalka lacagta Yurub ee Euro.


RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter