Hanuun iyo taageero
(Vägledning och stöd)
Degmooyin badan, waxaa jira hal ama dhowr meelood oo aad tagi karto si aad jawaabo uga hesho su’aalahaaga, hagidda bulshada iyo macluumaadka ku saabsan hawlaha degmada. Goobahan waxaa loo yaqaan, tusaale ahaan, xarumaha xiriirka, xafiisyada muwaadiniinta ama xarumaha adeegga. Waxaa ka mid ah, in lagaa caawiyo buuxinta foomamka iyo la xiriirida maamulka. Xafiisyada qaar, waxa kale oo suurtogal ah in lagala taliyo arrimaha sharciga iyo maaliyadda.
Xafiiska madaniga ah ee Botkyrka
Xafiisyada madaniga ah ee Botkyrka waxay ku yaalaan Alby, Fittja, Hallunda, Tullinge iyo Tumba.
Xarunta adeegga ee Huddinge
Xarunta adeegga waxay ku taal bartamaha Huddinge.
Xarunta adeegga ee Järfälla
Järfälla waxeey ku taal Jakobsberg xarun adeeg.
Xafiiska muwaadiniinta ee Stockholm
Stockholm, waxaa ku yaal 10 xafiis oo muwaadiniin ah, oo ay ku jiraan Bromma, Husby iyo Rågsved.
Xarunta xiriirka ee Södertälje
Södertälje waxaa ku taalo xarun lagala soo xiriiro oo ku taal aqalka hoose, halkaas oo aad ka heli karto jawaabaha su’aalahaaga.
Degmooyinka kale
Xafisyada muwaadiniinta/xarumaha lagala xidhiidho ee ku yaala degmooyinka kale, la xidhiidh degmadaada wayna ku caawinayaan.
Xarunta adeegga gobolka
Xafiiska adeegga waxaad ka heli kartaa hagitaan iyo adeeg. Hay’ado kala duwan, sida xafiiska shaqada, Caymiska Bulshada, Hay’adda Hawlgabka iyo Hay’adda cashuuraha, ayaa hal meel ku urursan oo ka caawin kara muwaadiniinta arrimo kala duwan.
Waxaad ka akhrisan kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan caawimaadda ay bixin karaan iyo halka ay ka joogaan gobolka Stockholm bogga internetka ee xarunta adeegga ee Statens.