Taariikhda Stockholm

Vy över Riddarfjärden.

(Stockholms historia)


Sanadihii 1150-1252: Stockholm waxay bilowday inay qaab yeelato

(År 1150-1252: Stockholm börjar formas)

Waqtigaan, Gamla stan waxay ahayd deked ay ku soo xirtaan doonyo ka yimid Mälaren iyo wadamo kala duwan oo Yurub ah. Doonyahaan oo ka yimid magaalada Mälaren ayaa waxaa lagu soo raray biro iyo naxaas waxaana doonyaha ka yimid dhanka badda oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo Yurub ah ay keeneen alaabo aan laga helin Sweden sida milix, xawaash iyo khamri.


Stockholm xilligii qarniyadii dhexe

(Stockholm under medeltiden)
Ganacsiga iyo dhoofinta ayaa soo jiitay farsamayaqaannada sida rootiyaasha, harqaanleyaasha iyo kabolelayaasha Stockholm. Dad badan oo degganaa, guryo badan ayaa la dhisay. Derbiyada ayaa sidoo kale laga dhisay magaalada hareeraheeda iyo qalcaddii Tre Kronor waxaa laga dhisay agagaarka munaaradda difaaca ee Magaalada Hore. Dhowr kaniisad ayaa laga dhisay Stockholm, tusaale ahaan Bykyrkan, oo hadda loo yaqaan Storkyrkan. Muddadaas Iswiidhan waxay ahayd Catholic.

Muddadaas waxaa dhacay dagaallo badan, oo inta badan ka dhanka ahaa deenishka. Ka dib markii deenishku ku guulaysteen xukunka Iswidhan 1520, boqorkii Danishka ee Kristian II wuxuu ka takhalusay raggii ugu awoodda badnaa Iswidhan intii lagu jiray xasuuqii Stockholm ee Stortorget ee Old Town. Iswiidhan waxay u beddeshay qaabka diinta Masiixiga ee Lutheran intii lagu jiray 1530-meeyadii.

Ilaa 9 000 oo qof ayaa ku noolaa Stockholm xilligii qarniyadii dhexe.


Qarnigii 17aad: Stockholm waxay noqotay caasimad

(1600-talet: Stockholm blev en huvudstad)

Dagaalo dhowr ah ka dib, Iswiidhan waxay noqotay awood weyn. Hadda waxaa jiray kheyraad badan iyo fursad lagu ballaariyo magaalada yar ee Stockholm. Maalqabeenadii magaalada ayaa dhistay daaro ay degaan, iyadoo guryo badan oo alwaax ah la dumiyay ama laga guuray. Muddadaas, Drottninggatan iyo Regeringgatan ayaa laga dhisay bartamaha Stockholm. Boqorada Kristina waxay xukuntay intii u dhaxaysay sanadihii 1650-1654. Qasriga Tre Kronor wuxuu gubtay 1697.

Stockholm waxay kortay markii dad badan oo ka yimid miyiga Iswidhan, laakiin sidoo kale wadamo kale oo Yurub ah, ay u soo guureen magaalada. Dadku waxay kordheen ilaa 45,000 oo qof 1670kii.


Qarnigii 18-aad

(1700-talet)

Qasriga cusub, oo bedelay Tre Kronor oo gubtay, ayaa la dhameeyay 1754. Farshaxannada Jarmalka, Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa loo isticmaali jiray qurxinta qalcadda. Farshaxan yaqaan badan ayaa ku haray Stockholm waxaana horumaray nolosha dhaqanka. Carl Michael Bellman ayaa qoray heeso ku saabsan nolosha dadka reer Stockholm. Heesahaas ilaa maanta waa la qaadayaa. Stockholm way sii korodhay, 1790kii waxa magaalada ku noolaa 72,000 oo qof.


Qarnigii 19-aad

(1800-talet)

Qaar badan ayaa u dhintay cudurka daacuunka, kaasoo soo noqnoqday dhowr jeer oo uu cudurku dillaacay. Bartamihii qarnigii 19-aad, magaaladu waxay heshay tubooyinka biyaha, markii biyuhu noqdeen nadiif, heerka dhimashada carruurta ayaa hoos u dhacday. Warshado badan ayaa laga dhisay magaalada, dad badan oo reer miyi ahna waxay u guureen Stockholm. Inta badan waxay ku noolaayeen meelo cidhiidhi ah. Qoysaska taajiriinta ah, si kastaba ha ahaatee, waxay ku noolaayeen guryo waasac ah. Dugsi hoose oo 6 sano jir ah ayaa la aasaasay 1852. Stockholm way sii korodhay, 1880kii dadku waxay ahaayeen qiyaastii 200,000 oo qof.


Qarnigii 20-aad

(1900-talet)

Dagaalkii koowaad ee aduunka waxaa Stockholm ka jirtay cunto yari. Halkii ubaxa, kaabashka ayaa lagu koray jardiinooyinka. Dumarku waxay ku qasbanaadeen in ay u halgamaan sidii ay u heli lahaayeen xaqa codbixinta waxaana loo ogolaaday in ay codeeyaan markii ugu horaysay doorashadii 1921. Waxaa la sameeyay ururo guriyeed si dadka reer Stockholm ay guryahooda u kiraysteen oo aanay ugu noolaan cidhiidhi. xaafado badan ayaa ka soo baxay.
Waxaa la sameeyay nidaamka daryeelka oo, tusaale ahaan, waxaa la dhisay daryeelka waayeelka, dugsiyada barbaarinta iyo isbitaallada. Waxaa jiray taraafig badan oo wata taraamka, basaska, tareenada dhulka hoostiisa mara iyo waddooyinka. Dad badan ayaa u soo haajiray Sweden iyo Stockholm oo ka yimid waddamo kale, kuwaas oo intooda badan guryo ka helay xaafadaha Rinkeby iyo Husby. Wasiirkii magaalada Olof Palme ayaa lagu dilay Sveavägen 1986kii.


Qarnigii 21aad

(2000-talet)
Degmadu waxay hore u lahayd dugsiyo xanaano, dugsiyo iyo xarumo caafimaad, kuwaas oo intooda badan hadda si gaar ah loo leeyahay. Guryo badan iyo xitaa xaafado cusub, sida Hammarby sjöstad, ayaa la dhisayay iyadoo dadku ay sii kordhayaan. Ibadalkii sanadka 2020-2021, 975,000 oo qof ayaa ku noolaa Stockholm.

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter