Iswiidhan iyo luqadda
(Sverige och språk)
Dalka Iswiidan dadka badankiisu waxay ku halaan af-iswiidhishka, si af-hooyo u ah ama luqad labaad. Laakin Iswiidhan waa bulsho ku hadasha luqado badan. Iswiidhishka ka sokow, waxaa jira:
– Luuqadaha qaranka laga tirada badan yahay. Luuqadahani waa af Iswiidhish ka sokow, ka jiray Iswiidhan muddo dheer waxaana loo arkaa inay ka tirsan yihiin hidaha dhaqanka Iswiidhan sida iswidhishka. Waxay kala yihiin Finnish, Yiddish, Meänkieli, Romani iyo Sami.
– Luuqadda dhegoolaha ee Iswidhishka
– Sidoo kale afaf kale oo badan oo lagu hadlo luqadahaan ayaa u guuray Iswiidhan. Ingiriisi waa tusaale luqadda noocaas ah, sida Carabiga iyo Faaris.
Si loo ilaaliyo luqadda Iswiidhishka iyo kala duwanaanta luqadda Iswiidhan, waxaa jira xeer luqadeed (2009: 600) kaas oo xakameynaya booska luqadaha ee bulshada dhexdeeda. Sharciga luqadda ayaa dhigaya in Iswidishka uu yahay luqadda ugu weyn ee Iswiidhan. Taas macneheedu waxa weeye in iswidhishku yahay luqadda guud ee Iswiidhan. Waa in loo isticmaali karaa dhammaan qaybaha bulshada, tusaale ahaan xiriirka ka dhexeeya shakhsiyaadka iyo maamulka.
Luuqadda dhegoolaha ee Iswidhishka waxaa adeegsada kooxda afka dhegoolaha oo ka kooban dhegoolayaal iyo dad maqalkoodu adag yahay iyo qaraabadooda. Waxa hore u aqoonsaday baarlamaanka, oo ku simay afafka laga tirada badan yahay ee qaranka
Ardayda dhigata dugsiga af-hooyo oo aan ahayn Iswidhishka waxay xaq u leeyihiin inay wax ku bartaan afka hooyo.
(Tolk)
Turjumaan
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo macluumaad la fahmi karo. Dadka aan ku hadlin luqadda iswiidhishka waxay xaq u leeyihiin turjumaan marka ay booqanayaan daryeelka caafimaadka, daryeelka ilkaha ama xiriirka degmooyinka iyo maamulka. turjumaanku waa qofka ka shaqeeya turjumaada luuqado kala duwan. Waa lacag la’aan turjubaankana wuxaa saaran inuu sirta qariyo.