Hanuuninta Dadweynaha

Samhällsorientering

Läs samhällsorientering för en bra start i Sverige!

Dhigo hanuuninta bulshada si aad bilow wanaagsan oo Iswiidhan ah ugu hesho!
Hanuuninta bulshada waa koorso loogu talogalay qofka Iswiidhan ku cusub! Waxaad koorsada ka heli doontaa aqoon dheeraad ah oo bulshada Iswiidhan ku saabsan. Waxa koorasku lagu bixiyaa Soomaali ama luqad kale oo aad si wanaagsan u taqaano.

Waxa koorsada wada hogaamiyaha koorsada oo luqadda koorsada ku hadla. Hanuuninta bulshada ee gobolka Stockholm waa 102 timmar.

Waxay koorsadu leedahay qaabab kala duwan laakiin dadka dhigta badankoodu waxay koorsada dhigtaan galinka danbe. Markaas ayay suurtogal yahay in koorsada lagu dhexwado markaad sfi-ga subaxdii dhiganeyso. Waxa sidoo kale suurtogal ah in hanuuninta bulshada subaxdii la akhristo, iyadoo luqadaha qaar koorsada xitaa xilliga fiidkii la qaato.

Waxaad koorsada wax badan ka baran doontaa sida aad uga qeybqaadan karto mulshada Iswiidhishka ah iyadoo loo soo maraayo muxaadarooyin, doodo iyo waxyaalo la qabanaayo. Waxa uu Hanuuninta bulshadu ku salaysan yahay wadahadal iyo fikir. Wadahadalka ayaa bulsho dimuqraadi ah aasaaska horumarka iyo isbeddelka. Si uu wadahadal u abuurmi karo ayaa loo baahan yahay meel ay dadku cabsi la’aan ku kulmaan oo ay ku wada hadlaan. Koorsada hanuuninta bulshada ayaa ah goob noocaas ah.

Iyadoo aan loo eegeynin meelsha aad ka degan tahay Iswiidhan, ayaad xaq u leedahay inaad Hanuuninta bulshada dhigato haddii aad kooxda yoolka ka mid ah aad tahay. Boggan internetka waxa ku dhigan macluumaad gaar ah oo ku saabsan qaabka koorsadu ay tahay Stockholm. Godka dhanka bidix ka akhri cidda xaqa u leh inay dhigato hanuuninta bulshada iyo sida is diiwaangelinta koorsada loo sameeyo.

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter