Hordhaca

Innehåll

Waxay Hanuuninta  bulshadu bixisaa aqoon ku saabsan sida ay bulshadu u shaqeyso iyo waxaad sameynayso si aad shaqo ugu hesho oo aad bulshada u dhex gasho.

Waxaad koorsada ku baranaysaa sida aad waxka weyn uga qeybqaadan karto bulshada Iswiidhishka iyadoo la adeegsanayo muxaadarooyin, doodo iyo layliyo wax ku ool ah.

Waxa ka mid ah booqashooyin waxbarasho iyo booqashooyin koorsada lagu tagaayo tusaale ahaan baarlamaanka, maktabadda ama inuu koorsada xoghaye bulshadu yimaado.

Koorsada waxaa hogaaminaya  samhällskommunikatör  (hogaamiyaha koorsada) oo leh khibrad macalinimo oo ku hadla luqadda koorsada lagu bixinaayo.

Manhajka

Waxa uu hadafka guud ee hanuuninta bulshadu yahay in ka qeybqaateyaashu bartaan oo ay horumariyaan aqoonta ku saabsan:

  • xuquuqda aadanaha iyo waxyaalaha ay qiimeynayso ee gundhiga u ah dimuquraadiyada Iswiidishan
    • xuquuqda iyo waajibaadka qofka ee guud ahaaneed
    • sida bulshadu u nidaamsan tahay
    • waxqabadka nolol maalmeed ee wax ku oolka ah

Waxay koorsooyinka gobolka Stockholm ka kooban yihiin afar qeybood:

Qeybta 1: Ku soo dhawoow Iswiidhan (27 saacadood)
• In Iswiidhan la yimaado
• In Iswiidhan lagu noolaado
• In caafimaadkaaga Iswiidhan lagu daryeelo

Qeybta 2: Shaqada iyo waxbarashada (24 saacadood)
• In la is debaro oo horumar lugu samayso Iswiidhan
• Xirfadaha shaqaalaha u baahan iyo suuqa shaqada
• Waxbarashada dadka waaweyn iyo tacliinta sare

Qeybta 3: Dimuqraadiyada iyo ka qeybgalka (24 saacadood)
• Xuquuqda iyo waajibaadka shakhsiga
• In saameyn lagu yeesho Iswiidhan
• Nidaamka sharciga ee Iswiidhan

Qeybta 4: In Iswiidhan lagu noolaado (25 saacadood)
• In qoys la sameysto oo aad carruur lala noolaato Iswiidhan
• Ururada/jaaliyadaha
• In lagu gaboobo Iswiidhan

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter