Qoraalka filimka oo ku qoran af-Soomaali

Filmmanus på somaliska

Waxa hoos ku yaal qoraalka filimka Hanuuninta bulshada oo af Soomaali ah kaas oo laga helaayo bogga hore ee boggan internetka.

Soo dhowaado dadkiinaan dhawaan dalkan Iswiidan yimid!

Markii aad wadan ku cusub tahay waxuu keenaa isbedello. Waxaa laga yabaa in Iswiidan waxyaabaha qaar aysan shaqayn sidii aad wadankaaga ay uga shaqaynayeen.

Tusaale ahaan waa maxay inaad sameysid si aad hooy u heshid?
Waxbarashada Iswiidan waa sidee?
Habkee baa qoys looga dhisi karaa Iswiidan?

Si laguu fududeeyo in aad dhex gasho bulshada iswiidhishka oo si tartiib tartiib ah u gasho suuqa shaqada, waxaa jira koorso ku saabsan jiheynta bulshada.

Koorsadaan waxaad ka baran kartaa waxyaabo badan oo ku saabsan waxqiimeynta iyo dhaqanka Iswiidan.

Waxyaalo badan baad xaquuqdaada iyo waajibaadkaaga ka baranaysaa, sida ay dimuqraadiyada Iswiidan u shaqeeyso iyo sida ay buldhadu u qorshaysan tahay.

Koorsadu waa bilaash. Waxaad ku baraneysaa luqadaada hooyo adiga iyo hogaamiyeyaasha koorsada iyo ardayda isku fasalka aad tihiin ee ku hadla luuqadaada.

“Waxay ahayd arrin aad u wanaagsan in aan ka qayb qaato koorso afkayga hooyo kaas oo Af-Soomaali ah, waxaan helnay fursad aan ku waydiino su’aalo oo aan ka hadalno mawduucyada koorsada lagu baranaayo.”

Haddii aad dhawaan timid Iswiidhan, oo ay da´daadu u dhexeeyso 18 illaa 64 sano waxayna ka diiwaangashan tahay barmaamijka hordhaca ee Xafiiska Adeega Shaqada ee Dadwaynaha, waxaad xaq u leedahay inaad ka soo qayb gasho koorsada jiheynta bulshada.

Xitaa qaar ka mid ah qoysaska ajnebiga ah ayaa wax ka baran kara koorsada.

“Waxaan bartay waxyaabo badan, tusaale ahaan marka aan codeyn karo iyo sida daryeelka caafimaadku u shaqeeyo. Mawqifka bulshadu wuxuu iga caawiyay inaan si fiican u fahmo Sweden si aan ugu dareemo halkan guri ii noqonaayo. ”

Akhriso wax badan oo ku saabsan koorsada iyo sida laysaga diiwaangeliyo nyistockholm.se. Boggaan waxaa laga heli karaa luqado badan!

Waxaa lagugu soo dhaweynayaa inaad wax badan ka barato bulshada iswiidhishka!

sam@stockholm.se

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter