Ayaa xaq u leh Hanuuninta bulshada?

Vem har rätt till samhällsorientering?

Waxaa jira laba kooxood oo yoolka ah oo xaq u leh inay hanuuninta bulshada dhigtaan.

Qofka ka tirsan barnaamijka aasaaska uu xafiiska shaqadu bixiyo
Qofka sharciga degenaanshaha qaxoonti ahaaneed ama sababo la mid ah oo qaxootinimo haysta ayaa xaq u leh Hanuuninta  bulshada. Qofka ka tirsan barnaamijka aasaaska ee Xafiiska shaqada oo deggan mid ka mid ah degmooyinka ka qeybqaadanaya ayaa xaq u leh hanuuninta bulshada oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska gobolka Stockholm.

Dhammaan degmooyinka ka qeybqaadanaaya Hanuuninta  bulshada ee gobolka Stockholm.

Qaar ka mid ah qoysaska ajaanibka ayaa xaq u leh hanuuninta bulshada
Degmooyinku ayay masuuliyad ka saaran tahay inay hanuunin bulshada xitaa u soo bandhigaan qaraabada ajaanibka qaarkood. Dadka qaraabada dadka ajaanibka ee ku xaq leh koorsadu waa:

  • Dadka u soo guuray Iswiidhan iyagoo markaas leh qoys/ lammaane halkan jooga oo 18 sanno jir buuxiyay balse aan 66 jir buuxin
  • Iswiidhan ka diiwaan gashanaa ugu badnaan saddex sano.  (Waajibka degmooyinka ee ah inay u soo bandhigaan hanuuninta bulshada ayaa dhammaanaysaa saddex sano ka dib marka ugu horeysa ee uu qofka degmo degmada iska diiwaangaliyo.
  • Muwaadiniinta ka tirsan waddan ka baxsan aaga EEA/Switzerland

Cida aan ka tirsaneyn waa:
• Ardayda dhigata dugsiga sare
• Shaqaalaha wadanka shaqo u yimid
• Ardeyda booqasho waxbarsho ku joogta iyo cilmi-baarayaasha booqashada ku jooga

Iyadoo ay ku xidhan nooca sharciga ee uu qofka qaraabada ahi leeyahay ayaa qaar badan oo ka mid ah kooxdan yoolka ku jiraa ay haddaba ka qeybqaadanayaan barnaamijka aasaaska ee Xafiiska Shaqada iyadoo halkaasna koorsada laga diiwaangalinaayo. Laakin haddii qofka ay ku xidhan yihiiin uu Iswiidhan in ka badan lix sano ku noolaa ama uu haysto dhalashada Iswidhishka, ayaan qaraabada ajaanibku xaq u laheyn barnaamijka aasaaska, laakiin waxay xaq u leeyihiin hanuuninta bulshada.

Waa inay hanuuninta bulshada bilaabataa sida ugu dhakhsaha badan ka diiwaangelinta dadweynaha kadib.
Dadka aan ka tirsanayn kooxaha yoolka ku jira ayaa kaliya koorsada dhigan kara haddii ay degmadooda ogolaato.

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter