Shaqada iyo Waxbarasho

 

Arbete och utbildning

Qeybta labaad ee koorsada hanuuninta bulshada waxa loo yaqaanaa shaqada iyo waxbarashada.  Waxaad halkan ka heli doontaa fursad aad dariiqooyinka kala duwan ee waxbarashada shaqada ama inaad shirkad aad adigu leedahay ka furato Iswiidhan ugala hadli doontaa.

Malaha waxaad qabtaa su’aalo badan oo wax ku ool ah oo ku saabsan sida suuqa shaqada u shaqeeyo ama waxa laga yaabo inaad rabto inaad ogaato fursadaha aad heli karto haddii aad shahaado jaamacadeed oo aad wadankaaga ka soo qaatay haysato.

Tusaalooyin ka mid ah su’aalaha qeybtan koorsadan lagu soo qaato:

  • Waa maxay fursadaha aan haysto ee waxbarashada Iswiidhan?
  • Maxay waxbarashada nolosha oo dhan socotaa tahay?
  • Maxay yihiin xuquuqahayga iyo waajibaadkayga goobta shaqadu?

Waxaad godka dhinaca bidixda ka akhrisan kartaa wax dheeraad ah oo ku saabsan sidaad ugu horumari karto, u kori karto oo aad wax cusub ugu baran karto iyadoo loo soo maraayo waxbarasho ama shaqo aad Iswiidhan ka hesho.
 

 




RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter