Suuqa shaqada ee gobolka Stockholm

(Arbetsmarknaden i Stockholms län)

Gobolka Stockholm waa suuqa shaqo ee dalka Iswiidhan ugu weyn. Sannadka 2014ka tirada dadka ka shaqeeyaa waxa ay dhaaftay hal milyan. Dad badan oo ku nool gobolka Stockholm waxa ay deggan yihiin degmo iyaga oo ka shaqeeya degmo kale. Tani waxa ay keeni kartaa in shaqada iyo guriga loo kala galo safar wakhti qaadanaya.

Shaqooyinka ugu badan ee gobolka Stockholm waa dhinaca adeegga, iibka, daryeelka caafimaadka, daryeelka xannaanada iyo IT;ga. Stockholm aad bay u koreysaa, waxana sidaas daraaddeed gobolakani u baahan doonaa shaqaale cusub sannadaha soo socda.

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter