Shahaadda

(Betyg)


Shahaaddaha dugsiyada sare ee dalalka dibedda

(Utländska betyg från gymnasiet)

Si laguugu qiimeeyo shahaadda dugs sare oo aad ku soo dhammaysatay wadan kale, waxaad ula tegaysaa waaxda adeegga tacliinta sare (Verket för högskoleservice, VHS). VHS waxay akhridaa shahaadda lagala yimid wadan kale, kedibna waxay ku samaysaa qiimeyn heerka ay uga dhiganto wadanka Iswidhan. VHS waxay qiimeyn ku samaysaa oo keli ah shahaadda laga bixiyay dugsi sare uun.

Waxay ku qaadataa VHS inay samayso qiimeynta shahaaddaha laga yimid wadan kale wakhti u dhexeeya lix billood ilaa hal sano. Shahaaddaha wadamada kale laga bixiyay waxay u baahan karaan turjumid. Ka akhriso warbixin inta qoraalkan ku taal ka badan hoos.

Haddii aad waxbarashada dugsiga sare ku soo dhammaysatay wadan kale, waad buuxisay shuruuddihii lagu geli karayay macaahidda sare iyo jaamacaddaha Iswidhan. Aqoonta afka Iswidhan iyo/ama afka Ingriisiga ayaa shardi ah in aad taqaano, si aad u biloowdo maadooyin iyo waxbarashooyinka intooda badan.

Ka akhriso warbixinno ku saabsan qiimeynta shahaaddaha dugsiga sare ee dibeddaha lagu soo dhammaystay goobta Internetka: www.uhr.se/


Shahaaddaha macaahidda sarsare iyo jaamacadddaha ee dalalka dibedda

(Utländska betyg från högskola eller universitet)

Qofka waxbarasho heer jaamacaddeed ah ku soo dhammaystay wadan dibedda ah waxaa u qiimeynaysa hay’adda waxbarashada heer jamacaddeed (Högskoleverket). Way fiican tahay in aad ka hesho qoraal caddeyn ah oo ay bixiso hay’adda waxbarashada heer jaamacaddeed oo ku saabsan shahaaddaada, marka aad ka doonanaysid shaqo Iswedhan dhexdeeda, si uu u fahmo shaqo bixiyuhu heerka ay waxbarashadaadu uga dhiganto waxbarashada Iswidhan lagu qaato.

Shahaadda wadan kale laga bixiyay, waxay u baahan kartaa in la turjumo. Warbixin inta qoraalkan ku taal ka faahfaahsan ka akhriso hoos.

Ka akhriso warbixinno ku saabsan qiimeynta shahaaddaha heer jaamacaddeed ee dalalka dibedda ee ay samayso hay’adda waxbarashada heer jaamacaddeed goobta Internetka: www.uhr.se/. Warbixinuhu waxay ku qoran yihiin af iswidhish jilicsan iyo luqaddo kale.


Turjumidda shahaaddaha dalal kale laga bixiyay

(Översättning av utländska betyg)

Si aad u soo gudbiso shahaadad wadan kale aad kala timid oo aad doonaysid in laguu qiimeeyo, waxaa loo baahan yahay in aad ku soo turjumtid af iswidhish ama ingriisi. Shahaadaddaha ku qoran af-faransiis, af-jarmal, af-isbaanish, ama afafka wadamada waqooyiga yurub nordiska uma baahna in la soo turjumo. Turjumidda waa in uu soo sameeyaa qof ruqsad loo siiyay inuu wax turjumi karo.

Waxaad la xiriiri kartaa turjubaan, ama waxaa isku kiin xiri kara, tusaale ahaan, shirkaddaha xiriirka turjubaannada ama hay’adda Kammarkollegiet. Qofkan turjumayaa waa in uu rukhsad u haystaan turjumaadda, taasi oo micnaheedu yahay in turjubaanka ay ansaxisay hay’adda Kammarkollegiet.

Xafiiska xiriirka shaqada ayaa kaa bixin kara, mar marka qaarkood turjumidda shahaadadda. Taasina waa marka ay u arkaan in turjumidda shahaadaddu ay uu suurtogelinayso helidda shaqo.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter