Furo ganacsi kuu gaar ah

(Starta eget företag)

Haddii aad doonaysid in aad furto shariikad aad adigu mulkigeeda iska leedahay, oo aadna diiwaangashan tahay Arbetsförmedlingen, waxaa lagu siin karaa talobixin iyo taageero. Waxaa tusaale ahaan, warbixinno faahfaahsan lagaa siinayaa, habka aad maalgashi u raadsan lahayd, sharciyada u dejisan shariikaddaha, noocyada shariikaddaha kala duwan. waxaa intaas dheer oo iyana jira, suurtogal ah in aad dalban karto taageero dhaqaale, si aad u furato shariikad.


Macluumaad dheeraad ah

(Mer information)

Waxaa jira fursado badan oo lagu furan karo ganacsi, sidoo kale waxa jira talo bixin bilaash ah oo loogu talo galay dadka doonaya in ay furtaan ganacsi u gaar ah.

Link-yada hoose iyo dhinaca midig waxa ku yaalla macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nooca talo bixin ee aad heli karto.

Coompanion i Stockholms län
Waxa ay talo bilaash ah, oo laga bilaabo fikradda ganacsi ilaa furitaanka shirkadda, siiyaan dadka doonaya in ganacsi ay ku shuraakoobaan, furtaan.

NyföretagarCentrum
Xarunta NyföretagarCentrum waxa ay bixiyaan talo bilaash ah iyaga oo ku yaalla goobahan: Stockholm, Sollentuna, Täby, Danderyd, Botkyrka, Rinkeby – Kista och Stockholm Västerort.

 

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter