Luqada Iswidhishka ee waxbarashada farsamada gacanta, Sfx

(Svenska för yrkesutbildade, Sfx)

Luqada Iswidhishka ee waxbarashada farsamada gacanta ayaa ah wadashaqeyn ka dhaxeysa degmooyinka gobolka Stockholm taas oo uu hadafkeedu yahay in laga faa’iidaysto xirfadaha aqooneed ee dadka dhawaan wadanka yimid. Waxa ay waxbarashadu tahay daraasado luqada Iswidhishka ah oo degdeg ah iyadoo diiradda la saaraayo luqadda xirfadda iyo koorsooyinka si loogu fahmo siday xirfadu Iswiidhan u shaqeyso.

Waxa uu hadafku yahay si loogu yareeyo wakhtiga ay ka qeybgalayaasha ku helayaan shaqo ama ganacsi ku bilaabayaan.

Waxa luqada Iswidhishka ee waxbarshada farsamada lagu helayaa xirfadahan soo socda:

  • Iswidhishka dadka dirawaliinta basaska, SFB (Tyresö)
  • Iswidishka dadka bartay dhaqaalaha, qareenada iyo aqoonta bulshada, SFEJ (Stockholm)
  • Iswidhishka dadka ganacsatada, SFE (Botkyrka)
  • Iswidishka dadka injineerada iyo nashqadaha dejiya SFINX (Järfälla och Stockholm)
  • Iswidhishka dadka dirawaliinta baabuurta xamuulka, SFL (Stockholm)
  • Iswidhishka dadka shaqaalaha caafimaadka, SFM  (Huddinge)
  • Iswidhishka dadka barayaasha, SFP (Stockholm)
  • Iswidhishka dadka barnaamijyada kombiyuuterka galiya, Sfx-IT (Tyresö)
  • Iswidhishka dadka bartay daryeelka caafimaadka, SFV (Tyresö)

Waxay koorsooyinka Sfx isku keentaa ka qeybqaateyaasha xirfada isku midka leh ee ka yimaada dhammaan gobolka Stockholm.

Koorasyada hadda socda, bogga internetka ee Sfx

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter