Waxbarashada dadka

(Utbildning för vuxna)

Dadka waaweyn ee doonaya inay wax bartaan, waxaa jira, habab kala duwan oo ay ugu suurtogalayso waxbarashadu. Waxaa jira waxbarashada lagu qaato dugsiga dadka waaweyn ee degmadu leedahay, dugsiga sare ee dadweynaha (folkhögskola) oo ururro leeyihiin, mac’had heer jaamacaddeed ah (högskola) oo inta badan xir’fado laga barto, jaamacad. Maamulka degmadu waxay iyana diyaarisaa barashada luqada iswiidishka loogu talaggalay soogaleetiga (SFI). Dhammaan waxbarashooyinkaasi waa lacag la’aan. Waxbarashooyinka badankooda, waxaa ardayda laga rabaa, inay buugaagtooda, iyagu soo iibsadaan.


Talo bixinta waxbarasho- iyo farsamada xirfaddeed

(Studie- och yrkesvägledning)

Si aad u heshid talo iyo warbixin ku saabsan noocyada waxbarasho iyo dugsiyo ee jira, waxaad la hadlaysaa qof loo yaqaan talobixyaha waxbarashada iyo jid u tilmaamaha xirfadda. Talobixiyahu wuxuu yaqaan heerka tacliinta iyo shuruuddaha looga baahan yahay waxbarashooyinka kala duwan. Waxay ku siinaynaa talobixin nooca waxbarashada ugu habboon ee kuu fiican, iyaga oo ka duuleya himiladaada waxbarasho.

Talobixiyayaashu waxbarasho iyo jid u tilmaamaha xirfaddaha waxay joogaan iskuullada aasaasiga, dugsiyada sare, iyo waxbarashada dadka waaweyneba iyo macaahidda sarsare iyo jaamacaddaha.

Warbixin dheeraad ah ka akhriso goobta Internetka:
www.allastudier.se

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter