Suuqa shaqada

(Arbetsmarknaden i Sverige)

Suuqa shaqadu waxaa uu u qeybsan yahay laba laammood oo kala ah, suuqa shaqada dawliga ah iyo suuqa shaqada ee mulkigiisasida gaarka ah loo leeayahay. Kuwa sida gaarka loo leeyahay, waa shariikaddo mulkiilayaal shacbi ahi leeyihiin, kana doonayaan faa’iido. Waxay noqon karaan dukaamo ama wersheddo. Laamaha dawligu ee qaranka, maamulka degmooyinka iyo gobolladu, waxay fidiyaan hawlo adeeg dadweynaha ah. Waxaa tusaale ahaan, ka mid ah adeegyadaasi, hawlaha caafimaadka, waxbarashada iyo booliiska. Wax aan ka yarayn seddex meelood meel (1/3) dhammaan shaqaalaha wadankan Iswiidan , waxay ka shaqeeyaan laamaha dawliga ee kala duwan.


Maxaa saamayn ku leh suuqa shaqada?

(Vad påverkar arbetsmarknaden?)

Waxa jira waxyaabo badan oo saameynaya inta dad shaqo helaysa iyo inta shaqo la’aan noqonaysa. Taasi waxay ku xirnaanaysaa, tusaale ahaan, xaaladda dhaqaale ee wadanku sida uu yahay, tirada dadka wadanka ku nooli inta ay leeg yihiin iyo tirada dadka inta ka gaartay da’dii shaqo lagu gallo. Mararka qaarkood waxaa la waayaa dad shaqaale ah oo buuxiya xirfad aad loogu baahan yahay, sababta oo ah, waxaa tiro yar dadka xirfaddaas takhasus u leh ee aqoonteeda soo bartay. Waxaa lagu magacaabaa xaaladdaas xirfad shaqaallo waa’ ah.


Suurtogal kala duwan iyo shuruuddo

(Olika möjligheter och förutsättningar)

Suurtogalka helitaanka shaqo, way ku kala duwan yihiin dhinacyo badan, sida dhinacyada kala duwan ee wadanka, xerfaddaha kala duwan, dadka da’doodu kala duwan tahay, dumarka iyo ragga iyo dadka ku dhashay wadamo kale oo dibedda ah.

Magaalooyinka waaweyn shaqooyinka laga helaa way ka badan yihiin shaqooyinka laga helo tuullooyinka yaryar, laakiin magaalooyinka waaweyn dadka shaqada soo dalbanayaa, iyana way ka badan yihiin, kuwa tuulooyinka. Shaqo la’aanta tuulooyinka way ka heer sareysaa, marka laga eego dhinaca dhalinyarada, dadka waaweyn iyo ajinebiga. Sida oo kale, ragga iyo dumarku, inta badan isku si uma haystaan fursaddaha helitaanka shaqo ee ka jira suuqa shaqada. Xerfaddaha qaarkood aad bay dumarku ka badan yihiin ragga, tusaale ahaan, caafimaadka. Xirfaddo kalese waxaa ku badan ragga. Tusaale ahaan, wersheddaha.

Maanta waxaa laga hadalhayaa isbeddelka weyn ee dhexmaraya facaca kala duwan. Taasi oo ku saabsan dad badan oo dhashay 1940-aadkii inay hawlgab gelayaan sanaddahan soo socda. Taasi micnaheedu, waxa uu yahay in loo baahan yahay dad badan oo buuxiya shaqooyinkii ay hayn jireen. Tuulooyinka ayay aad u saameyn doontaa isbeddelka dhinaca facacu, maadaama ay dad badan, markii horeba uga soo guureen magaalooyinka waaweyn.

Si aad ku ogaato xaaladda suuqa shaqadu ee qeybaha kala duwan ee wadanku, sida ay yihiin iyo meellaha ay ka jiraan shaqooyin bannaanni, waxaad xiriir la samaysaan Arbetsförmedlingenama lataliyayaasha dhinaca waxbarashada – iyo xirfaddaha studie- och yrkesvägledare.

Bogga internetka ee Arbetsförmedlingen ka akhriso faafaahin dheeraad ah oo ku saaban suurtogalka helitaanka shaqo ee xirfaddaha kala:

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter