Dimuqraadi iyo xukuumad

 

(Demokrati och styre)

Dalka Iswiidan waa dal dimoqraadi ah. Taas micneheedu waxa weeye in awoodda talisku ay dadka ka timaaddo. Taasina waxay ku timaaddaa doorasho ay dadku ku doortaan xisbiyada dalka xukumi doona.

Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa habka dimoqraadiyaddu u shaqayso iyo xuquuqda iyo waajibaadka aasaasiga ah ee ay muwaadiniintu leeyihiin. Waxaa kaloo aad halkaan ka akhrisan kartaa habka ay hay’adaha sharcigu u shaqeeyaan.


Nuxurkii oo kooban

(Innehåll i korthet)

  • Dalka Iswiidan waa dal dimoqraadi ah oo ay dadweynuhu doortaan siyaasitiinta dalka hoggaamineysa.
  • Dadweynuhu waxay siyaasiyiinta ku doortaan doorasho caam ah oo afartii sano mar la qabto.
  • Baarlamaanka dalka Iswiidan iyo Midowga Yurub ayaa dejiya sharciyada looga dhaqmayo dalka Iswiidan.
  • Dalka Iswiidan waxay saxiixday qaraarada Qaramada Midoobey badankood oo ku saabsan xuquuqda aadanaha.
  • Qofkii midabtakoor ama cunsuriyad lagu sameeyo wuxuu ashtako u qoran karaa Wakiilka Ka hortagga cunsariyadda (Diskrimineringsombudsmannen).
  • Qaraarka Carruurtu wuxuu qorayaa in carruurta oo idil isku qiimo tahay oo uusan jirin ilmo istaahila in hab xun loo la dhaqmo.
  • Haddii aad gargaar degdeg ah boliiska uga baahato, wac lambarka 112.
  • Haddii aad dooneyso inaad boliiska la hadasho, wac lambarka 114 14.

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter