Dastuurka
(Grundlagarna)
Waxaa jira sharciyo iyo heshiisyo caalami ah oo ilaaliya xuquuqda dadka ku nool dalka Iswiidan.
Dastuurku wuxuu ku saabsan yihiin xorriyadda iyo xuquuqda dadka dalka Iswiidan ku nooli leeyihiin. Waa ay adag tahay in dastuurka wax laga beddelo sida sharciyada kale. Tusaale ahaan waa in baarlamaanku u codeeyaa wax ka beddelka dastuurka laba jeer oo doorasho u dhexeyso. Xeerarka dastuurku waxay dadka xaq u siinayaan waxyaalaha ay ka mid yihiin:
- Xorriyadda diinta – in la aammino wixii la doono oo la qaato diintii la doono
- Xorriyadda daabacaadda – in la qoro oo la daabaco qoraalo waxay doonaan ha ku saabsanaadeen
- Xorriyadda fekerka – in uu qofku oran karo, qori karo ama daabici karo wixii uu doono
- Xorriyadda warfaafinta – in warfaafin la gudbin karo lana guddoomi karo
- Xorriyadda ururada – in dad kale ururo la la dhisi karo oo laga hadli karo wixii la doono
- Xorriyadda kulanka – in loo kulmi karo sidii la doono oo loo hadli karo
- Xorriyadda bannaanbaxa – in la abaabuli karo lagana qaybgeli karo bannaanbaxyo ama muddaharaadyo
- Xuquuqda dabeecadda – in qof waliba uu xaq u leeyahay kaymaha iyo dhulka aan deggaynba dhextago