Boolis iyo maxkamad

(Polis och domstol)

Garsoorku wuxuu ka shaqeeyaa ammaanka iyo ilaalinta bulshada. Ujeeddaduna waxa weeye in la yareeyo falalka dembiyada oo la kordhiyo ammaanka bulshada.


Boliiska

(Polisen)

Boliisku wuxuu ka shaqeeyaa ka hortagga dembiyada, tusaale in la baajiyo in fal dembi dhaco iyo in dadka la dareensiiyo in aysan dembi gelin. Boliisku wuxuu booqasho ku tagaa dugsiyada si ugu sharaxo carruurta iyo dhallinyarada hawlaha ay qabtaan. Meelaha qaarkood waxaa ku yaal xarumo boliis oo loogu talagalay in ay bulshada ka dhexmuuqdaan.

Qofkii fal dembi galay ama arkay fal dembi wuxuu ku wargelinayaa boliiska:

Xaalad degdeg ah wac lambar qayladhaanka ee SOS Alarm 112.

Wixii aan degdeg ahayn wac lambarka 114 14 ama wargelinta ku qor bogga Internet-ka boliiska: www.polisen.se
Warbixintu waxay ku qoran tahay af-Iswiidhish sahlan iyo af-Ingiriis.


Maxkamadaha

(Domstolarna)

Maxkamadaha dalka Iswiidan waa kuwo madaxbannaan oo siyaasadda ka xor ah. Taas micneheedu waxa weeye in aan baarlamaanka, dowladda ama hay’ad kale soo farageshan karin hawlaha maxkamadaha iyo sida ay wax u xukumayaan.

Maxkamadaha xalliya falalka dembiyada iyo khilaafka waxaa lagu magacaabaa maxkamadaha guud. Dacwad dembi waxay imaaneysaa kolka qof lagu tuhunsan yahay in uu fal dembi galay. Dacwad khilaaf waxa weeye kolka laba qof ay arrin ku heshiin waayaan, sida heshiis wax kala gadasho, dhaxal ama furrin.


Maxaa dhaca fal dembi kadib?

(Vad händer efter ett brott?)

Haddii dembi dhaco waa in lagu wargeliyaa boliiska. Boliiskuna wuxuu baaritaan ku sameeyaa in fal dembi dhacay oo uu soo ururiyaa caddaymaha iyo markhaatiyaasha. Haddii caddaymuhu ay culus yihiin waxaa qofka la hor keenaa maxkamad.

Qofka falka dembiga galay iyo kan loo geystayba waxay hor yimaadaan maxkamadda. Waxaa kale loo yeeraa dadka markhaatiga ka ah in fal dembi dhacay. Maxkmaddu xukun ayey ku soo rogtaa haddii eedeysanuhu uu dembiga galay oo waxaa la mariyaa ciqaabta uu/ay mudan yahay/tahay.

Ciqaabtu waxay noqon kartaa ganaax uu qofka la xukumay lacag bixiyo ama xabsi. Ciqaabtu waxa ay kaloo noqon kartaa xukun shuruudaneysan oo micneheedu yahay in aan qofka la xukumay xabsi la gelin laakiin korka laga ilaaliyo muddo. Xukun dil ahi kama jiro dalka Iswiidan.

Haddii uusan qofku ku qanacsanayn xukunka wuxuu rafcaan u qaataa maxkamadda rafcaanka. Eedeysanaha iyo dhibbanaha labaduba waa ay qaadan karaan rafcaan.

Waxaa jiraa kaloo jira Maxkamadda Sare. Maxkamadda Sare waxay wax ka qabataa falalka dembi oo muhiimka u ah sida sharciyada loo qorayo ama haddii ay yimaadaan caddaymo cusub oo aan maxkamadihii arag.

Warbixin dheeraad ah iyo taageerada dhibbanayaasha waxaa laga heli karaa Heeganka dhibbanayaasha. Akhriso warbixin dheeraad ah: www.boj.se ama wac lambarkaan 0200-212019. Heeganka dhibbanayaashu wuxuu taageeraa dhibbanyaasha isagoo adeegsanaya afaf badan.

RFSL, waa urur u shaqeeya in dadku wadsiman yihiin iyadoo aan loo eegin habka ay u galmoodaan waxayna leedahay heegan dhibbane oo warbixin dheeraad ah laga akhrisan karo: www.rfsl.se/stod/


Taageerada xagga sharciga

(Rättshjälp)

Qofka ka qaybgalaya dacwad maxkamadeed wuxuu xaq u yeelan karaa in la siiyo kaalmo dhaqaale. Dowladda ayaa bixineysa qayb ka mid ah kharashka qareenka oo lagu magacaabo taageero sharci. Haddii qofku caymis ku jiro waxaa dhici kara caymiskaasi kabo kharashka maxkamadda. Taas micneheedu waxa weeye in caymisku bixiyo qayb ka mid ah kharashaka maxkamadda.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter