Xeerka la dagaalanka midabtakoorka ama cunsuriyadda

(Lag mot diskriminering)

Midabtakoorka ama cunsuriyaddu waxa weeye in qof la xaqiro ama si xun loo la dhaqmo xag nin ama naag ahaan, xag qabiil, xag galmo, xag naafanimo ama xag da’ awgeed.

Xeerka la dagaalanka cunsuriyaddu wuxuu dadka ka ilaaliyaa in lagu cunsuradiyeeyo goobaha shaqada, dugsiyada, hay’adaha, isbitaalada iyo meelo kaloo badan.

Qofka la cunsarideeyey wuxuu ashtako u qoran karaa Diskrimineringsombudsmannen, DO. Arrimaha la isku takooro ama cunsaradiyeeyo waxaa ka mid ah:

  • Dheddig ama lab ahaan
  • Muqaal ama hadal uu qof muujiyo dheddig ama lab ahaansho
  • Jinsi ahaan
  • Diin ama aamminaad kale
  • Habka galmada qofku daneeyo
  • Da’

Waxaa kaloo laga ashtakoon karaa haddii tusaale ahaan si xun loo la dhaqmo waalid ku maqan fasax waalid.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter