Xuquuqda aadanaha

(Mänskliga rättigheter)

Waxaa jira sharciyo iyo heshiisyo caalami ah oo ilaaliya xuquuqda dadka ku nool dalka Iswiidan. Xuquuq walba waxaa garabsocda waajibaad. Qof kasta waxaa waajib ku ah inuu xushmeeyo xuquuqda dadka kale.
Dalka Iswiidan waxay saxiixday qoraalada Qaramada Midoobey ee xuquuqda aadanaha badankood. Xuquuqda aadanuhu waxay qorayaan in dhammaan dadku uu dhasho isagoo xor ah oo ay isku qiimo yihiin, isku xuquuqna leeyihiin. Xuquuqda aadanuhu waxay khuseeyaan dhammaan dadka dunida ku nool iyadoo aan loo eegin qowmiyad, dhaqan ama arrimo kale. Hoos waxaa ku qoran dhawr ka mid ah xuquuqda aadanaha:

  • Sharciyada iyo maxkamadaha dalku waa in ay dadka si siman u la dhaqmaan
  • Dalalka oo dhan waa in ay qaataan qaxootiga aan ammaangeli karin dalalkooda
  • Dadka oo dhammi waa in ay nolshooda go’aan iyagu ka gaaraan
  • Inuu qofku guursan karo qofkuu doono, uu fekrad ka qabi karo waxa uu doono iyo inuu aammini karo ilaaha uu doono
  • In ay dalalku la dagaalamaan faqriga iyo gaajada
  • Dalalka oo dhammi waa in ay dadka shaqo iyo hooy u diyaariyaan, in ay dhergaan iyo in ay bartaan akhriska iyo waxqorista

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter