Dawlad, degmo iyo maamul gobol

(Stat, kommun och region)


Hay’adaha

(Myndigheter)

Dowladda waxaa hoos taga qiyaastii 300 oo hay’ado qaran ah oo ay ka mid yihiin Hay’adda Boliiska, Xafiiska Caymiska Dadweynaha iyo Wakaaladda Canshuuraha. Waxay hay’aduhu fuliyaan oo dhaqangeliyaan sharciyada baarlamaanka iyo dowladdu soo go’aamisay. Hay’aduhu waa kuwo madaxbannaan. Taasoo micneheedu yahay inaan baarlamaanka iyo dowladdu middoodna farageshan karin go’aamada hay’adaha.


Maamulada Gobollada

(Länsstyrelser)

Iswedhan waxay ka kooban tahay 21 gobol, gobol kastana wuxuu leeyahay gole- goboleed Länsstyrelse. Gole-goboleedyada waa farac xafiis ee dawladda iyo baarlamaanka ee ku leeyihiin gobolka. Gole- goboleedyada waxay hubiyaan in go’aamada ka soo baxay dawladda iyo baarlamaanku sida la rabo u hirgalaan. Golehagobolku waxay ka shaqeeyaan waxyaabo kala duwan oo khuseeya gobolka, tusaale ahaan arrimaha is dhex galka iyo daryeelka meela aadka u qiimaha badan ee bay’adda.


Golaha Gobolka

(Regioner)

Xilka Golaha Gobolka waxaa ka mid ah daryeelka caafimaadka. Kharashka daryeelka caafimaadka waxaa lagu bixiyaa canshuuraha golaha gobolku ka qaado dhammaan dadka ku nool gobolka. Gole kastoo gobolna isaga go’aamiya inta canshuurta dadka laga qaadaa le’eg tahay iyo sida loo qaybinayo. Waxaa dalka Iswiidan ka jira 18 gole gobol.


Maamulka Degmooyinka

(Kommuner)

Waxaa dalka Iswiidan ku yaal 290 maamul degmo ah. Maamulada degmooyinku waxay mas’uul ka yihiin adeegyada bulshada. Hawlaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah dugsiyada barbaarinta iyo dugsiyada caadiga ah, gargaarka bulshada iyo xannaanada waayeelka. Maamulada degmooyinku waxay kaloo mas’uul ka yihiin af-Iswiidhishka ajnebiga la baro, hawlaha gurmadka, maktabadaha iyo guryaha.

Xisbiyada hela codadka ugu badan doorashada degmooyinka ayaa hela xubnaha ugu badan golaha maamulka degmada. Siyaasiinta golaha maamulka degmadu waxay go’aamiyaan hawlaha degmada. Kulanka golaha maamulka degmadu isugu yimaado si uu go’aamo u soo saaro waa mid dadweynaha u furan in ay ka qaybgalaan oo dhegeystaan. Ogeysiinta kulamadaas waxaa lagu

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter