Gobolka Stockholm, Degmooyinka iyo Siyaasadda

(Kommun och politik i Stockholms län)

Xafiiska Degmada waxa maamula siyaasiyiin. Waqtiga doorashooyinka siyaasadeed ee afartii sano hal mar la qabto waxa muwaadiniintu doortaan axsaabta siyaasadda ee soo galaya golaha degmada. Golayaasha Degmada ayaa lagu gaadhaa go’aannada hawlaha degmooyinka.

 

Tusaalooyin hawlaha sharci ahaan maamulka degmadu ka mas’uul yahay: 

• Dugsiga barbaarinta iyo dugsiga kale

• Waxbarashada dugsiyada Sare

• Daryeelka waayeelka

• Daryeelka dadka Naafada ah

• Taageero dhaqaale

• Maktabadda

• Arrimaha qorshaynta iyo dhismaha

• ilaalinta caafimaadka iyo deegaanka

• Biyaha iyo bullaacadaha

• Nadaafada iyo maareynta qashinka

• Dayactirka jidadka iyo beeraha nasashada ee degmada

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter