Habkaan ayaa dalka iswiidan lagu xukumaa

Doorasho

(Val)

Waxay dadweynuhu doortaan siyaasiinta ka tirsanaan-doona baarlamaanka, golaha maamulka gobollada iyo maamulada hoose ee degmooyinka, afartii sano mar. Codbixintu waa qarsoodi, mana jiro qof u baahan inuu sheego cidda uu codeeyey.

Haddaba si doorshada looga qaybqaato waa inuu qof ahaado 18 sano jir. Si looga qaybgalo doorashada baarlamaanka waa in la haystaa dhalashada dalka Iswiidan. Doorashada maamulada gobollada iyo degmootinka waxaa ka qaybqaadan kara dadka haysta dhalasho shisheeye laakiin ka diiwaangeshan dalka Iswiidan ugu yaraan saddex sano.

Marmar waxaa la qabtaa afti

(Ibland blir det folkomröstning)

Wuxuu baarlamaanku ama maamulka degmadu marmar go’aamiyaa in afti la qabto. Taas micneheedu waxa weeye dadka ku nool degmo ama dalkoo dhan la weyddiiyo sida ay u arkaan arrin gaar ah.

Aftidii ugu dambeysey waxaa la qabtay sannadkii 2003, waxayna ku saabsannayd in lacagta dalka Iswiidan loo beddelo Euro iyo in kale. Dadweynaha dalka Iswiidan waxay ku codeeyeen maya lacagta Euro.

Warbixin dheeraad waxaad ka heli karta

(Läs mer)

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan doorashada, xaq-u-yeelashada codbixinta iyo aftida ka fiiri bogga Internet-ka ee Hay’adda Doorashada: www.val.se
Warbixinada waxay ku qoran yihiin af iswiidhish sahlan iyo afaf kale.


Baarlamaanka

(Riksdagen)

Baarlamaanka dalka Iswiidan wuxuu ka kooban yahay 349 xubnood oo haween iyo rag isugu jira. Waxayna matalaan xisbiyada doorashada ku helay cod ku filan. Sannadka 2009 waxaa baarlamaanka ku jira 7 xisbi.

Wuxuu baarlamaanku go’aamiyaa sharciyada cusub oo dalka lagu maamulayo. Wuxuu kaloo baarlamaanku korka ka ilaaliyaa habka dowladdu shaqadeeda u gudato iyo sida lacagta qaranka loo isticmaalo.

Warbixin dheeraad oo ku saabsan Baarlamaanka dalka Iswiidan waxaad ka akhrisan kartaa: www.riksdagen.se
Warbixinuhuna waxay ku qoran yihiin af iswiidhish sahlan iyo afaf kale.


Dowladda

(Regeringen)

Hawsha dowladdu waxa weeye in ay dalka hoggamiso. Waxay dowladdu hirgelisaa go’aamada baarlamaanka. Waxay kaloo dowladdu soo gudbisaa ra’yi sharciyo cusub ama kuwa jira wax looga beddelayo.

Dowladdu waxay hawlaheeda u adeegsataa golaha wasiirada oo ka kooban wasaarado qaabbilsan hawlo kala geddisan. Tusaale ahaan waxay Wasaaradda Waxbarashadu ka shaqaysaa hawlaha waxbarashada, Wasaaradda Dhaqanka iyo Hidduhuna waxay qaabilsan tahay aarimaha dhaqanka, warfaafinta iyo isboortiga. Xisbiga ama xisbiyada codka ugu badan hela ayaa waxay soo dhisaan dowladda.

Warbixin dheeraad ah oo dowladda ku saabsan waxaad ka akhrisan kartaa: www.regeringen.se
Warbixinuhuna waxay ku qoran yihiin af iswiidhish sahlan iyo afaf kale.


Xisbiyada siyaasiga ah

(Politiska partier)

Waxaa jira xisbiyo isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo yaryar oo qaarkood baarlamaanka bannaanka ka joogaan. Waxaa toos loo la xiriiri karaa xisbiyada oo la weyddiin karaa wixii su’aal ah oo arrin laga qabo. Xisbiyadu waxay doonayaan dadka xubno cusub ka noqda oo hawlaha siyaasadda ka qaybgala. Waxaana bulshada saamayn lagu yeelanayaa kolka laga qaybgalo hawlaha xisbiyada.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xisbiyada iyo siyaasaddooda iyo habka loo la xiriiri karo, waxaad ka akhrisan kartaa boggagooda Internet-ka.


Dalka Iswiidan waxay ka tirsan tahay Midowga Yurub (EU)

(Sverige är med i EU)

Dalka Iswiidan wuxuu xubin ka yahay Europeiska Unionen, EU (Midowga Yurub). In ka badan kala bar ayaa xubin ka ah Midowga Yurub (EU). Midowga Yurub wuxuu bilowgii ahaa iskaashi nabad lagu abuurayo, laakiin hadda waxay dalalka ku jiraa iska kaashadaan meelo badan ay ka mid yihiin dhaqaalaha, degaanka iyo beeraha iyo xoolaha.

Midowga Yurub wuxuu go’aamiyaa sharciyo cusub oo laga dhaqangelinayo dalalka xubnaha ka ah. Taas micneheedu waxa weeye in baarlamaanka dalka Iswiidan uusan keli ku ahayn dejinta sharciyada dalka Iswiidan lagu maamulayo. Shantii sano mar ayaa baarlamaanka Midowga Yurub la doortaa. Kolka waxaa la doortaa siyaasiinta dalka Iswiidan uga wakiilka ah Midowga Yurub. Doorashada soo socota waxaa la qabanayaa 2014.

Wixii warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Midowga Yurub waxaad ka akhrisan kartaa boggaan: www.eu-information.se

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter