Abaabulka waxqabadka waayeelka

(Aktiviteter för pensionärer)

Ururka hawlgabka Qaranka (Pensionärernas riksorganisation ) oo loo soo gaabiyo (PRO) waa ururka ugu weyn ee dadka hawlgabka Iswiidhan. Waddanka oo dhan waxaa laga abaabulaa waxqabadyo iyo safarro loogu talo galay dadka xubinta ka ah.

Ururka Isutagga hawlgabka Iswiidhan (Sveriges Pensionärsförbund) oo loo soo gaabiyo (SPF) waa urur uu xubin ka noqon karo qof kasta oo xaq u leh hawlgabnimo da’ kasta ha ahaadee. Waxa ururrada degmooyinku abaabulaan hawlo/waxqabad kala duwan oo ku saabsan caafimaadka iyo faya-dhowrka. Ururka SPF waxa uu u heellan yahay sidii dalka Iswiidhan u lahaan lahaa siyaasad u fiican waayeelka. Arrimaha muhiimka ahi waa; dhaqaalaha dadka waaweyn, daryeelka caafimaadka iyo xannaanada, guryeynta, awood saameyn iyo in ay xaq u leeyihiin in ay shaqeeyaan.


Qiimo dhimis

(Rabatter)

Qof kasta oo qaata lacagta hawlgabka waxa uu heli karaa qiimo dhimis waayeel oo noocyo kala duwan ah si uu u isticmaalo gaadiidka dadweynaha ama uga qaybqaato bandhigyo/munaasabado kala duwan. Badanaa waxa ku filan in aad dhiibto kaadhkaaga aqoonsiga haddii aad buuxisay 65 sano. Haddii aad gashay hawlgab adiga oo ka yar 65 sano waxa aad u baahan tahay in caddayn ay ku siiyaan Hay’adda Hawlgabku.

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter