Bulshadu waxay fidin kartaa kaalmo

(Samhället kan ge stöd och hjälp)

Booliiska, maamulka degmada, xafiiska arrimaha bulshada, heeganka dumarka, heegannada ragga, intaasuba waxay kaalmo iyo gargaar u fidiyaan dadka waaweyn iyo carruurta loo geystay tacaddi iyo handidaad.


Kaalmada carruurta

(Stöd för barn)

Marka qof weyn arko ilmo carruur ah oo loo geysanayo tacaddi ama wax kale oo bahdil ah, waa in aad la xiriirtaa maamulka degmada xafiiskiisa arrimaha bulshada iyo booliiska. Uma baahinid in aad magacaaga sheegto.

Ilmaha lagu hayo dhibka waxaa uu u sheegi karaa macalinka ama la taliyaha iskuulka uu dhigto, ama qof kale oo waayeel ka oo uu ku qabo kalsoon. Ilmaha waxaa kale oo uu caawimaad ka heli karaa, isaga oo telefoon u dira ururka BRIS, xuquuqda carruurta ku leedahay bulshada.

Taageerooyin kale oo carruurta ku wajahan:

Xuquuqda carruurta ku leedahay bulshada: www.bris.se

Heeganka saaxiibbada, heeganka telefoonka: 020-222 444. Furan inta badan habeenkii.

Qaabilaada Linna waa xarun u furan dhalinyarada inta da’doodu u dhexeyso 13-25 sano ee loo geystay waxa loo yaqaan tacaddiga iyo cadaadiska sharaf jebka la xiriirra: www.kvinnonet.net. Heeganka telefoonku: 020-40 70 40. Furan maalin kasta saacaddaha 9-22.

Elektra: Waa urur caawino siiya wiilasha iyo gabdhaha loo geysto hagardaamooyin la xiriira sharafta qoyska: www.elektra.nu
Waxaa laga helayaa warbixino ku kala qoran afaf kala geddisan.


Taageerada dadka waaweyn

(Stöd för vuxna)

Dumarka loo geystay tacaddiga waxay la xiriiri karaan xafiiska arrimaha bulshada ee maamulka degmadooda ama booliiska amaba heeganka dumarka. Heeganka dumarku waxa uu dumarka ku caawiyo waxaa ka mid ah inay telefoonka kula hadlaan, dhinaca sharciga iyo waxyaabo kale, ay ka mid yihiin in ay la qoraan dacwadda booliiska loo gudbinayo iyo waraaqaha furiniinka. Halkaas waxaa kale oo dumarka loo geystay tacaddiga la dejiyaa guriyo dahsoon oo xafiddan.

Ragga loo geystay tacaddiga ama falal tacaddi ama handidaad oo doonaya inay bedellaan hab dhaqankoodii, waxaa jira kaalmo ay tusaale ahaan ka helayaan heeganada ragga ama xarumaha xaaladda adag ee ragga loogu talogalay.


Faahfaahin dheeri ah ka akhriso

(Läs mer)

Warbixinta booliiska ee faldambiyeedka ehelida aad isku dhow: www.polisen.se/komtilloss

Khadka telefoonka Amaansiinta dumarka: www.kvinnofridslinjen.se

Heeganka Dhibbanaha faldambiyeedka: www.brottsofferjouren.se

Dhibbanaha faldambiyeedka ee RFSL: www.rfsl.se/verksamhet/stod/

Terrafem: www.terrafem.org

Somaya kvinno- & tjejjour  Länk till somayas webbplats

Isbahaysiga xarumaha ragga: www.rikskriscentrum.se

Heeganka ragga ee Iswidhan: www.mansjouren.se

 

Xafiisyada heegganka taageerada iyo dhibaatooyinka: Dadka la kulma rabshaduhu waxay xaq u leeyihiin in ay kaalmo ka helaan xafiiska degmada. Degmooyin badan waxa kale oo ay gargaar siiyaan dadka dhibaatada gaysanaya. Hoos waxaa ku qoran macluumaad ku saabsan taageerada degmooyinka ee gobolka Stockholm.

Origo – waa xarunta gobolka Stockholmm ee ka hortagga cadaadiska iyo dhibaataynta arrimaha la xidhiidha sharafta
Xafiiska Origo waxa uu taageero iyo talooyin siiyaa dhalinyarada lagu dhibo ama lagu cadaadiyo arrimaha la xidhiidha sharafta qoyska. Waxa sidoo kale taageero iyo talooyin ku saabsan shaqadooda la siiyaa shaqaalaha hay’adaha dawladda iyo ururrada samafalka ah.


 

 

 

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter