Carruurta iyo waalidiinta

(Barn och föräldrar)


In aad waalid noqoto

(Att bli förälder)

Bulshada dhexdeeda waxaa jira noocyo badan oo taageerooyin ah oo loo fidiyo carruurta iyo waalidiinta. Tusaale ahaan waxaa jira daryeel caafimaad oo hooyooyinka iyo carruurta oo lacag la’aan ah, fasax lacag lagu bixiyo ee waalidiinta ilmihu u dhasho, daryeelka maamulka degmada ee carruurta iyo talobixinta qoysaska.


Haddii ilmo idiin dhalanayo

(Att vänta barn)

Marka la sugayo in uu ilmuhu dhasho, dad badan waxay u tahay dhacdo weyn oo nololeed, marka ilmuhu u dhashana waxay waalidiin badan ku keentaa isbedel weyn oo xaga nolosha ah.

Qofka dumarka ee uurka lehi, waxay xaq u leedahay inay fasax ka qaadato shaqadeeda wakhti go’an ka hor, inta aanay umulin iyo in gunno dhaqaale uu siiyo sanduuqa guud ee caymisku Försäkringskassan. Dumarka uurka leh ee laxaad ahaan shaqadu ku culus tahay, iyana waxaa la siiyaa gunno dhaqaale ee loo yaqaan gunna xilliga uurka havandeskapspenning. Taasi oo iyadana uu bixiyo sanduuqa guud ee caymisku.

Ka akhriso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qeybta caafmaadka, daryeelka dumarka uurka leh iyo ilmaha yar ee markaas dhashay qoraalka caafimaadka iyo daryeelka guud.

Qofka dumarka iyada ayaa xaq u leh inay go’aansato in ilmo dhalayso iyo wakhtiga ay dhalayso.Taasi macnaheeda waxaa uu yahay in qofka dumarku xaq u leedahay ilmo uurka ku jira inay iska soo rido, xitaa haddii aanu aabbaha ilmaha dhalay sidaas rabin. Haddii ay doonayso ilmo uurka ku jira way diidi kartaa in laga soo tuurto, xitaa haddii uu aabbuhu sidaas rabo. Talo iyo taageero waxaa lagala xiriiri karaa xafiiska umulisooyinka / daryeelka iyo caafimaadka hooyooyinka ee degmada aad deggan tahay.


Marka ilmuhu dhasho

(När barnet är fött)

Xarunta caafimaadka carruurta waxay waalidiintu ka helayaa kaalmo iyo taageeris laga siinayo sidii ay si fiican ilmahooda u deryeeli lahaayeen. Waxaa kale oo xaruntaa jooga koox gaar u ah taageerada, tusaale ahaan waalidiinta kelida ah iyo waalidiinta aad u da’da yaryar.


Libsashada iyo Isticmaalka alaabta

(Inköp och användning av produkter)

Wakaaladda Macmiisha (Konsumentverket) ayaa soo saaray buug yar oo lagu magacaabo carruurta oo ammaan ah – waalidiinta oo xasilloon “Säkra barn – trygga föräldrar”. Qoraalkan waxaa loogu talo galay in uu waalidiinta ka caawiyo iibsashada iyo isticmaalka alaabta ka hor iyo ka dib marka ilmo dhalanayo. Qoraalkan waxa lagu heli karaa luqado kala duwan.


Lacagta gunnada waalidka

(Föräldrapenning)

Gunnada waalidiintu waa lacag la siiyo waalidiinta, si ay fasax uga qaataan shaqada, si ay u daryeelaan ubadkooda jiran. Waalidka wada leh xaqa mulkiga waalidnimo, waxay xaq u leeyihiin 240 maalmood midkiiba oo ah gunnada waalidiinta. Muddadaasi laba bilood oo ka mid ah ayaa mid kasta gooni ah ugu calaamadsan, midna kan kale kuma wareejin karo. Taasi micnaheedu waxaa uu yahay in labada waalid, mid kastaaba ay tahay in uu qaato ugu yaraan laba bilood oo ka mid ah fasaxa waalidiinta ee loogu ogol yahay gunnada waalidiinta.

Waalidiinta waxay ka dalbanayaan gunnada waalidiinta xafiiska Försäkringskassan.


In aad xaqiijisid aabbonimada iyo waalidnimada

(Att fastställa faderskap och föräldraskap)

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin labadooda waalid. Sidaas awgeed, dhammaan carruurta dhalata, waa in la xaqiijiyaa waalidiinta dhalay kuwa bay yihiin. Waxay taas micnaheedu yahay in la sugo xaqa uu ilmuhu u leeyahay in uu ogaado meesha uu asal ahaan ka soo jeedo, xaq uu u leeyahay in la masruufo iyo weliba dhaxal.

Haddii ay hooyadu tahay mid aan la qabin ama la furay, waa in xaqiijinta aabbaha iyo waalidnimada lagu sameeyaa baaritaan. Waxaa baaritaanka samaynaya xafiisaka arrimaha bulshada ee maamulka degmada.


Xilka waalidnimo iyo ubadka xiriirinta

(Vårdnad och umgänge)

Dhammaan carruurtu waxay u baahan tahay xil waalidnimo haye. Taas micnaheedu waa in la helo qof ay saaran tahay masuuliyadda ilmahu, si uu u helo waxa uu u baahan yahay ee leh cunto, dhar iyo daryeelkiisa caafimaad. Inta badan waa waalidiinta kuwa dumaddooda ku qaada masuuliyaddaasi, laakiin way noqon kartaa qof kale.

Wadaagga xilka waalidnimo micnaheeda waxa uu yahay in waalidiintu ay wadajir ahaan uga wada mas’uul yihiin ilmaha, islamarkaasna wada go’aaminayaan arrimaha khuseeya ilmaha. Lahaansho gaar ahaaneed ee xilka waalidnimo micnaheedu waa in mid keli ah uun oo ka mid ah waalidiinta ay sharciyan saaran tahay masuuliyadda ilmahu.

Lammaanaha is qabaa waxay toos wadajir ahaan u yeelanayaan wadaagga xilka waalidnimo ee ilmaha. Marka aanu waalidiintu is qabin, waxaa toos u yeelanaya xilka waalidnimo hooyada. Marka ay doonaan ayay waalidiintu ka codsan karaan Hay’adda cashuuraha in ay wadaaggaan xilka waalidnimo.


Magaca ilmaha

(Barnets namn)

Magaca ay waalidiintu doonayaan ilmaha inay u bixiyaan, waxay u soo diyaariyaan Hay’adda cashuuraha, ugu dambeyn sedex billood kedib marka uu ilmuhu dhashadiisa.


Sharciga jinsiyadda ilmaha

(Barnets medborgarskap)

Marka ilamaha la diiwaangelinayo, ayay hay’adda cashuuruhu go’aan qaadasho ka samaynaysaa nooca jinsiyadda uu ilmuhu yeelanayo. Haddii ay waalidiintu leeyihiin sharciga dhalashada wadankan Iswidhan, ilmuhuna ku dhashay wadankan Iswidhan, ilmuhu waxaa uu yeelanayaa wadaniniyadda Iswidhan. Haddii labada waalidba u dhasheen dal kale, waxaa jira xeerar kale oo gaar ah oo arrinta khuseeya oo lagu salaynayo.

Haddii labada waalidba ay dalalal kale jinsiyaddooda haystaa, waxay uga dalbayaan Waaxda socdaalka sharciga deggenaashaha, marka uu ilmuhu dhasho kadib.


Xuquuqda iyo waajibaadka waalidka

(Föräldrars rättigheter och skyldigheter)

Xuquuqda iyo waajibaadka waalidiinta, waxay ku cad yihiin qoraalka sharci gaar ah, sharciga waalidiinta Föräldrabalken.

Waa mas’uuliyad saaran waalidiinta in ay maamullaan carruurta, wiilal iyo gabar-ba. Waalidiinta ayaa, tusaale ahaan, go’aanka iska leh inta ay carruurta dibedda ku maqnaan karaa habeenkii, iskuulka ay dhiganayaan, wiilal iyo gabar-ba iyo intaa lacag loo siiyo xaqal jeeb sitimaankii.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter