Daryeel carruur

(Barnomsorg)

Daryeelka carruurta waa barbaarin carruur oo cilmiyeysan, oo waalidka u saamaxaya inay shaqeystaan ama waxbarasho galaan. Xitaa carruurta ay waalidkood yihiin dad shaqo-raadis ah ama guriga ku haya ilmo kale oo da’ yar ah xaq bay u leeyihiin daryeel. Daryeelka carruurta waxaa wada oo uu hoos yimaadaa degmada. Waxaa isagana jira daryeel hoos yimaada shirkado gaar (privat) ah iyo iskaashato.


Xannaanad furan

(Öppen förskola)

Xannaanad furan waa goob ay isugu yimaadaan waalid iyo carruur yaryar. Halkaa waxay carruurta iyo waalidka u tagaan kulan iyo ciyaar. Xannaanada furan waxey leedahay shaqaale hase ahaatee waa inuu waalidka halkaa mar kasta joogaa. Xannaanadaha furan waxaa wada degmada ama hay’ado kale, masalan kaniisad. Xannaanada furan waa bilaash, waxaana la tagi karaa xilliyada ay furan tahay iyadoon la isa soo wargelin.


Xannaanada carruurta yaryar

(Förskola för de små barnen)

Iswiidhan waxey carruurta yaryar joogi kartaa xannaanad (dagis) inta ay waalidka shaqeynayaan ama wax baranayaaan. Xannaanada waxey u furan tahay carruurta ay da’doodu u dhexeysoo 1 ilaa iyo 5 jir.

Waxaa jira xannaanado degmo iyo kuwo gaar ah. Ilmuhu wuxuu sidoo kale joogi karaa aqal qoys oo dadka qaarkii ay u baxsheen magaca ah hooyo-maalmeed (dagmamma). Degmooyinka waxaa mararka qaarkood, hadduu waalidka habeenkii shaqeynayo, laga heli karaa xannaanad carruur xilliyadaa furan.

Dhamaan xannaanadaha waxey u hoggaansan yihiin sharciyo isku mid ah hase ahaatee siyaalo kala duwan ayey carruurta wax u bari karaan. Carruurta tagtaa xannaanada waa inay heshaa ciyaar, daryeel, waxbarasho, kalsooni iyo horumar.

Carruurta leh af-hooyo aan ahayn Iswiidhish waa inay heshaa fursad ay ku horumariso afkeeda Iswiidhishka iyo kan hooyaba.

Qaar ka mid ah hawlwadeennada waxey leeyihiin tacliin sare, kuwaa waxaa loo yaqaan macalimiin xannaanad carruur. Hawlwadeennada kale waxey ka soo baxeen dugsiyo sare, waxaana iyaga loo yaqaan daryeelayaal carruur.

Si boos looga codsado xannaanad degmo waa in lala xiriiraa degmada. Xannaanadaha gaarka ah waxey leeyihiin safaf iyaga u gaar ah, si boos looga codsadana toos baa xannaanada loola xiriiraa. Khidmad ayaa boos xannaano loo baxshaa. Khidmadda xannaanada gaarka ah iyo tan degmada waa isku mid. Caddadka khidmadda wuxuu waafaqasan yahay dakhliga reerka soo gala.


La qabadsiin xannaanad

(Inskolning på förskola)

Markuu ilmuhu xannaanad bilaabayo waa u muhiim inuu la qabsado jawiga iyo dadka ku cusub ee tirada badan. Waalidkana waxey fursad u helaayaan inay bartaan qeyb weyn oo ka mid noqon doonta nololmaalmeedka ilmahooda.


Waalidka oo ka qeybgala daryeelka carruurta

(Föräldrars delaktighet i barnomsorgen)

Si hawsha xannaanadaha ay waxtar ugu yeelato carruurta waa in xannaanadaha iyo qoysaska aqalada ku haya carruurta ay la shaqeeyaan waalidka. Taa waxey ku hirgaleysaa iyadoo la qabto wadohadallo horumarineed, shirar waalid iyo golayaal kala duwan oo ay waalidka iyo hawlwadeennada ku kulmi karaan oo ay ka wada xaajoon karaan sida ay xannaanada u shaqeyso iyo xaaladda carruurta.

Ilmo mar waliba waa u wanaag inuu dareemo waalidkii inuu xiiseynayo xannaanada, waalidkana waxey wax ka ogaanayaan nololmaalmeedka iyo horumarka ilmaha.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter