Axdiga carruurta

forskolan_stangholmsbacken_9450

(Barns rättigheter)

Axdiga jamciyadda qaramada midoobay ee xuquuqda carruurta, ama axdiga carruurta, sida inta badan loogu yeero, waxaa uu ka hadlayaa xaquuqda ay leeyihiin dhammaan carruurta ku nool dunida oo dhammi.

Iswidhan way saxeexday axdigaas carruurta, sida oo kalena dhammaan inta badan dalalka duniduna way wada saxeexeen. Taas micnaheedu wuxuu yahay in ay Iswidhan ballan qaaday inay fuliso dhammaan waxa ku qoran axdiga carruurta.

Qodobbada ugu muhiimsan axdiga carruurta, waxay ka hadlayaan in dhammaan carruurtu ay leeyihiin xuquuq isku mid ah, iyo sida oo kale ka siman yihiin qiimaha bini aadminimo iyo in aan cidna la cunsuriyadeynin. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin noolo, in ay gaaraan horumar, waxay xaq u leeyihiin fikirkooda iyo inay sheegaan waxay doonayaan iyo in wanaagga carruurta wax kasta ka soo hormarayo.


Wakiilka carruurta

(Barnombudsmannen)

Waxaa jirta hay’ad gaar ah, oo la yiraahdo wakiilka carruurta (BO). Waxay ilaaliyaan xuquuqda carruurta. Hadafku wuxuu yahay in carruurta la ixtiraamo oo loo suurtogeliyo inay helaan horumar, amaan, lalana tashado, loona ogolaado inay go’aamada saameyn ku yeeshaan.


Da’da ugu muhiimsan

(Viktiga åldrar)

Iswidhan waxaa qof ciqaab fal-dambiyeed uu mudan karaa marka uu gaaro15 sano. Taas micnaheedu wuxuu yahay in ciqaab fal-dambiyeed lagu xukumi karo, qof marka uu gaaro15 sano.

Marka qofku uu gaaro 18 sano wuxuu noqday qaangaar. Markaas ayaa qofku xaq u leeyahay in uu isagu noloshiisa maamullo, islamarkaasna uu yeesho guri isaga u gaar ah. Goortaas baa uu cod bixin karaa, guursan karaa, deyn qaan karaa iyo ruqsadda baabuur wadista.

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter