Xaaladaha qoysaska

(Familjelivets villkor)

Qaybtaan waxay ka hadlaysaa xeerarka ay guurka iyo isla noolaanshuhu leeyihiin. Waxay kaloo ka hadlaysaa waalidnimada, xuquuqda carruurta, adeegga daryeelka carruurta iyo waxbaridda carruurta. Waxaa halkaan laga helayaa waxbixino ku saabsan dugsiyada barbaarinta, dugsiyada hoose, dugsiyada sare, waxbarashada afka hooyo iyo sidii ay waalidku uga qaybqaadan lahaayeen xannaanada iyo waxbarashada dugsiyadeed ee carruurtooda.


Nuxurkii oo kooban

(Innehåll i korthet)

  • Waxaa jira xeerar gaar ahaan lagu maamulo qoysaska dalka Iswiidan ku nool. Tusaale ahaan, waxaa jira xeerar ku saabsan guurka, isla noolaanshaha iyo xiriirka waalidka iyo carruurta.
  • Dalka Iswiidan waxay saxiixday qaraarka Qaramada Midoobay ee ku saabsan xuquuqda carruurta. Qaraarka xuquuqda carruurtu wuxuu ku saabsan yahay in dhammaan carruurtu ay leeyihiin xuquuq isku mid ah oo ay isku qiimo yihiin oo aan marnaba la takoori karin.
  • Korinta iyo xannaanada wadajirka ah waxaa micneheedu yahay in ay wadajir mas’uul uga yihiin carruurta oo wixii go’aan ah oo carruurta khuseeya ay si wadajir ah u gaarayaan. Micnaha korinta iyo xannanada gaarka ah waxa weeye in waalidka midkood uu sharci ahaan keligii mas’uul uga yahay ilmaha.
  • Dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin in si toos ah xiriir u la yeeshaan labada waalid. Waxaana sharciga la kulanka.
  • Waxaa labada waalidba waajib ku ah in ay masruufka carruurta ka qaybqaataan, xataa haddii ay isfuraan. Haddii ilmuhu la nool yahay mid, wuxuu kan kale bixinayaa masruuf la yiraahdo underhållsbidrag.
  • Dembiga ka dhexdhaca dad qaraabo ah waxa weeye in fal-dembi uu geysto labada isqaba midkood, waalidka midkood, walaalaha midkood ama qof kale oo qaraabo ah. Wuxuu falkaas dembi noqon karaa xoogga xagga jirka ah, mid maskaxeed ama xoog galmo.
  • Waxaa muhiim ah inaad Boliiska ku wargeliso haddii fal xoogsheegasho laguu geysto.
  • Waxaa garaacidda carruurta dalka Iswiidan laga mamnuucay sannadkii 1979. Taas micneheedu waxa weeye in ay sharci ahaan mamnuuc tahay in carruurta jirdil loo geysto iyadoo looga golleeyahay ujeeddo barbaarin.
  • Haddii xafiiska adeegga bulshadu ka warhelo in ilmo loo dibindaabyo loo geystay, waxaa baaritaan lagu samaynayaa xaaladda ilmaha, tan qoyska so loo ogaado wixii caawimaad loo baahan yahay.
  • Waxaa jira taageerooyin iyo caawimaadyo kala geddisan oo la siiyo dadka waaweyn iyo carruurta loo geysto xoogsheegasho iyo hanjabaad.
  • Carruurta da’doodu u dhexeyso 1 ilaa 5 sano oo waalidkood shaqeeyo ama waxbarto, waxay aadi karaan dugsiyada barbaarinta ama hoyga xannaanada carruurta.
  • Dugsiyada iyo xarumaha xannaanada carruurtu waxay la shaqeeyaan waalidka. Wadahadalada horumarka iyo kulamada waalidku waxay fursad waalidka u siiyaan in ay la kulmaan shaqaalaha oo kala hadlaan heerka carruurta.
  • Dugsiga hoose waa sagaal sano oo khasab ku ah dhammaan carruurta. Wuxuu ilmuhu bilaabaa dugsiga hoose markuu 7 sano buuxsado.
  • Carruurta da’doodu u dhexeyso 6 ilaa 12 waxay bilaabi karaan xarumaha xannaanada carruurta markii ay dugsiga ka soo baxaan, waana haddii waalidku shaqeeyo ama waxbarto.
  • Waxaa jira dugsiyo sare oo loogu talagalay dhallinyarada dhammaysata dugsiyada hoose. Waxbarashada dugsiyada sare waxay socotaa saddex sano.
  • Dugsiyada gaarka ah waxa weeye dugsiyo ay talagalay carruurta iyo dhallinyarada maanka dhiman ay ka helaan waxbarasho loogu talagalay.
  • Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada guriga uga hadla af aan Iswiidhish ka ahayn waxaa la siiyaa xiisado lagu baro afkooda hooyo. Waa muhiim in ilmuhu barto afkiisa hooyo si ay ugu fududaato inuu horumaro iyo inuu barto afka Iswiidhishka.
  • Haddaba si waalidku ay u la socdaan waxbarashada ilmaha waxaa loogu yeeraa kulamo iyo wadahadalo horumarineed.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter