Carruur waxbarashadood
(Utbildning för barn)
Iswiidhan dugsiga hoose-dhexe waa ku waajib carruurta oo dhan. Dhallinyarada ka soo baxda dugsi hoose-dhexe waxey gali kartaa dugsi sare. Dugsiga sare waa mid dhigashadiisa loo madaxbannaan yahay hase ahaatee dhallinyarada badideeda waxey doorbidaa inay dugsi sare wax ka barato.
Fasal barbaar oo loogu talogalay carruur buuxineysa 6 jir
(Förskoleklass för barn som fyller 6 år)
Sanadka uu ilmaha buuxinayo 6 jir wuxuu bilaabi karaa fasal barbaar. Fasalka barbaarta waa waxbarasho bilaash ah oo loo madax bannaan yahay oo ilmaha u diyaarinaya waxbarashada dugsi hoose-dhexe.
Si ilmaha loogu dalbo fasal barbaar waxaa lala xiriiraa degmada la deggan yahay.
Dugsi hoose-dhexe oo loogu talogalay carruur ay da’dooda u dhexeyso 7 ilaa iyo 16 jir
(Grundskola för barn mellan 7 och 16 år)
Dugsiga hoose-dhexe waxaa la dhigtaa 9 sano, wuxuuna waajib ku yahay carruurta oo dhan. Sanad-dugsiyeedka dugsiga hoose-dhexe wuxuu ka kooban yahay laba teeram, teeram dayr iyo teeram gu’.
Markuu ilmaha buuxiyo 7 jir wuxuu bilaabaa dugsi hoose-dhexe. Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe waa bilaash, waxey carruurtu sidoo kale helaan buugag iyo qado bilaash ah.
Waxaa jira dugsiyo hoose-dhexe degmo iyo kuwo gaar ah. Dugsiyada oo dhan waxey raacaan nidaam iyo qorshe waxbarasho isku mid ah. Qorshaha waxbarashada wuxuu qeexayaa waxa ay tahay inay carruurta ku barato dugsiga. Hay’adda maamulka dugsiyada (Skolverket) waxey dejisaa nidaamka dugsiyada hoose-dhexe, waxeyna goysaa qorshaha waxbarashada.
Dugsiga hoose-dhexe laga bilaabo fasalka 8-aad waxaa teeram kasta la baxshaa dhibco waxbarasho. Dhibcaha waxaa baxsha macalinka, waxeyna u kala baxaan Waa baasay (G), Si wanaagsan u baasay (VG), Si aad iyo aad u wanaagsan u baasay (MVG). Haddii ardeyga uu maado ku gaari waayo heerka uu ku baasi lahaa, maadadaa looma dhigayo wax dhibco ah. Dhamaadka fasalka 9-aad wuxuu ardeyga helayaa shahaado. Shahaadadaa iyo dhibcaha ku yaal waxaa logu raadsadaa waxbarasho dugsi-sare.
Aqal maararow
(Fritidshem)
Degmada waa inay carruurta dugsileeyda ah u qabanqaabisaa meel ay joogaan xilliyada dugsiga ka dib, taasoo la yiraahdo aqal maararow. Carruurta da’adooda u dhexeyso 6-12 jir waxey tagi karaan aqal maararow, haddii waalidkood ay shaqeeyaan ama waxbarasho ku jiraan. Aqal maararowga wuxuu buuxinayaa dugsiga oo wuxuu carruurta fursad u siinayaa inay ka faa’iideystaan xilliyada ay firaaqada leeyihiin, wuxuuna xoojinayaa horumarkooda. Isla mar ahaantaa waxey aqalada maararowga waalidiinta u suurtogelinayaa inay shaqeystaan ama wax bartaan.
Waxaa jira aqalo maararow degmo iyo kuwo gaar ahba. Labadaba waxaa laga baxshaa khidmad. Caddadka khidmadda wuxuu waafaqasan yahay dakhliga reerka soo gala.
Dugsi sare
(Gymnasieskolan)
Dhallinyarada ka soo baxdaa dugsi hoose-dhexe waxey gashaa dugsi sare. Dugsiga sare waa mid dhigashadiisa loo madaxbannaan yahay. Dhallinyarada Iswiidhan joogtaa badideeda waxey doorbidaa inay dugsi sare dhigato.
Waxaa jira dugsiyo sare ee ay degmo leedahay iyo dugsiyo sare gaar ah. Waxaa la codsadaa hadba dugsiga sare la doonayo in la dhigto iyo barnaamijka dugsiga sare ee barashadiisa la xiiseynayo. Barnaamijyada la kala dooran karo waxaa masalan ka mid ah barashada cilmiga bulshada, daryeelka carruurta iyo baashaalintooda, warfaafinta, korontada ama barashada cilmiga sayniska.
Xitaa hadday ardeyda dooran karto barnaamij waxbarasho, iswiidhishka, ingriisiga iyo xisaabta mar waliba waa ka mid maaddooyinka la baranayo. Maaddooyinka ay ardeyda dhammaanteed shardi ku tahay inay dugsiga sare ka barato waxaa la yiraahdaa maaddooyin aasaasi ah.
Barnaamijyada waa saddex sano, waxbarashada dugsiga sarena waa bilaash. Dugsiyada sare badidooda waxey ardeyda ka cuntaa qado bilaash ah.
IVIK
(IVIK)
Dhallinyarada aan ku hadlin iswiidhish wanaagsan waxey heli karaan Barnaamijka gaarka ah ee leh waxbarasho bilow ah ee loogu talogalay ajaanibta, IVIK. Waa barnaamij dugsi sare loogu talogalay dhallinyaro ay da’deedu tahay 16 -20 jir oo dhawaan heshay sharci degganaasho ama codsatay magangelyo. IVIK waxaa laga bartaa iswiidhish, ingriisi iyo maaddooyinka cilmiga bulshada iyo sayniska.
Dugsi khaas ah
(Särskola)
Dugsi khaas ah waa dugsi carruurta iyo dhallinyarada ay maskaxda wax uga dhimnan yihiin ay ku helaan waxbarasho ku habboon. Waxbarashada intii suurtogal ah waxaa lagu dadaalaa inay u dhiganto waxbarashada dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare. Carruurta waxaa saaran mas’uulyad ah inay dugsi dhigtaan sagaal sano.
Dugsiga khaaska ah ka dib waxey ardeyda waxbarashadooda ka sii wadan karaan dugsiga sare ee khaaska ah, kaasoo ah afar sano.
Dugsiga ardayda laxaadka dhimman
(Specialskola)
Dugsiga waxaa dhigta ardey maqalka ka cawaran ama dhegaha la’, luuqadda ama aragga ka dhaawacan taasoo laga yaabee inay u dheer tahay curyaanimo kale. Dugsiga waa in inta la karo uu noqdo mid u dhigma dugsi hoose-dhexe, waxaana la dhigtaa ilaa iyo fasal tobanaad.
Barasho af-hooyo
(Modersmålsundervisning)
Barasho af-hooyo waa maaddo gaar ah ee laga dhigto dugsiga hoose-dhexe. Carruurta iyo dhallinyarada gurigooda ugu hadasha af ka baxsan afka iswiidhishka waxey heli karaan in afkooda hooyo dugsiga lagu baro. Taa waxey khuseysaa xannaanada, dugsiga hoosedhexe, dugsiga khaaska ah iyo dugsiga sare.
Af-hooyo iyo waxbarasho waa laba waxyaalood oo isku xiran. Ilmaha waa u muhiim inuu barto afkiisa hooyo si uu u hormaro oo ay ugu fududaato inuu af-iswiidhishka wax ku barto.
Si ilmaha loogu dalbo barasho af-hooyo waa inay waalidka la xiriiraan dugsiga ama degmadooda.
Waalidka oo ka qeybqaata waxbarashada dugsi ee carruurtooda
(Föräldrars delaktighet i sina barns skolgång)
Waalid ahaan waxaa xaq loo leeyahay in la ogaado waxa dugsiga ka dhacaaya iyo xaaladda ilmaha. Hawlwadeennada waxey waalidka kala hadlayaan siday ardeyda dugsiga uga hesho, horumarkooda iyo waxbarashadooda. Dugsiyada waxey isticmaalaan habab kala duwan ee ay waalidka uga qeybgeliyaan waxbarashada carruurtooda, masalan wadahadal horumarineed, warqad toddobaadle ah, shirar ama gole waalid.
Shirarka waalidka loo qabto waa u muhiim xiriirka ka dhexeeya waalidka iyo macalimiinta. Waalidka waxey halkaa ka helaan warbixin ku saabsan waxyaalaha ka socda dugsiga iyo siday macalimiintu u qaabeeyaan hawshooda. Waalidkana waxey fursad u helaan inay halkaa ku soo qaadaan su’aalo ay u arkaan inay muhiim u yihiin. Dugsiyada qaarkood waxey xitaa waalidka ku wargeliyaan wax la yiraahdo warqado toddobaadle ah.
Ugu yaraan hal mar teeramkiiba waa inay waalidka iyo ilmaha la kulmaan macalinka ama horjoogaha fasalka si ay ula yeeshaan wadahadal horumarineed. Wadahadalka waxaa lagu soo qaadayaa ilmaha xaaladdiisa dugsi, xaaladiisa waxbarasho xagga maaddooyinka uu qaato ah iyo sida uu dugsiga iyo waalidka ay ilmaha horumar ugu horseedi lahaayeen. Waxaa sidoo kale halkaa looga hadlayaa sida uu ilmaha uu ula heshiiyo carruurta kale iyo hawlwadeennada dugsiga iyo masalan inay jirto dhacdooyin uu u baahan yahay in xallintooda laga caawiyo.
Golaha waalidka wuxuu inta badan ka kooban yahay hal ama laba waalid oo ka socda fasalkiiba. Golaha waalidka waxaa looga hadlaa arrimaha dugsiga, waxaana inta badan halkaa laga doortaa dhowr waalid oo wakiil golaha ka noqda oo xiriiriya waalidka iyo hawlwadeennada dugsiga. In lagu firfircoonaado gole waalid waa hab in dheeraad ah looga barto shaqada dugsiga oo saameyn loogu yeesho arrimaha dugsiga ee loo arko inay muhiim yihiin.