Tacaddiga carruurta loo geysto

(Våld mot barn)

Waalidiinta ama waayeel kaleba, midna xaq uma leh, inay carruurta iyo dhalinyarada ula macaamillaan si xun. Bulshadu waa inay si kastaba u daafacdaa, ugana badbaadisaa carruurta iyo dhalinyarada jirdilka iyo tacaddiga galmada.

Iswidhan waxaa laga mam’nuucay garaacidda carruurta, maadaama uu tacaddigu dhaawacayo carruurta. Taasi micnaheedu waxa uu yahay, inay mam’nuuc tahay in garaacidda jirka loo isticmaallo ujeeddo edbin ahaan. Qofka garaaca ama jirdilla ilmo carruur ah, waxaa uu mutaysanayaa ciqaab.

Tacaddiga carruurta loo geystaa waxaa uu noqon karaa:

  • Jirdil oogada lugu sameeyo – Haddii qof weyni uu garaaco, laado, gelgilo, qaniino, ama uu si kale ugu geysto dhaawac ilmo carruur ah
  • Bahdil maskaxiyan ah – Haddii qof weyni uu handido, bahdilo ama uu ka argagixiyo ilmo carruur ah
  • Daryeel la’aan – Haddii qof weyni oo hubin waayo in ilmaha carruurta ahi uu helo cunto, dhar, daryeel caafimaad ama si kale uu u xannaanayn waay ilmaha carruurta ah.

Dadka waaweyn la ma yeelan karaan xiriir galmo carruur ka yar15 sano, sida uu tilmaamayo sharcigu, qeybta ciqaabtu. Marka uu qof weyn la yeesho xiriir galmo ilmo carruur ah, waxaa loo i’ctiqaadayaa dembi weyn oo halis.


Qaliinka xubnaha taranka ee gabdhaha iyo gudniinka gabdhaha

(Könsstympning och omskärelse)

Qaliinka xubnaha taranka ee gabdhaha iyo gudadhaha waa mam’nuuc, sida uu qabo sharciga Iswidhan, waxaana lagu mutaysanayaa ciqaab, xitaa haddii lagu gudo wadanka dibeddiisa. In la qalqaaliyo hawlaha qaliinka xubnaha taranka ee gabdhaha iyo gudniinku, iyana waa mam’nuuc.

Gudniinka wiilashu waa la ogol yahay, sida waafaqsan sharciga, haddii uu fuliyo dhakhtar la aqoonsan yahay.


Waajibka dacawad soo gaarsiinta xafiisks arrimaha bulshada

(Anmälningsplikt till socialtjänsten)

Dhammaan dadka waaweyn waxay siyaabo kala duwan shaqadooda ula kulmaan carruur iyo dhalinyaro, laga yaabo iyada oo la garaacayo, arkaan tacaddi dhacaya ama si kaleba carruur la xumeynayo., haddana markaasba, sida uu qabo sharcigu, waa in arrinta la socodsiisaa xafiiska arrimaha bulshada, si carruurta iyo qoysaska loo caanwin karo. Taas waxaa la yiraahdaa waajibka dacwad soo gaarsiin xafiiska arrimaha bulshada.

Haddii xafiska arrimaha bulshadu ogaado in ilmo carruur ah, laga yaabo in uu dhib qabo, waxa uu bilaabayaa baaris lagu samaynayo ilmaha iyo qoyska xaaladdooda, si loo eego waxa loo qaban karo ee kaalmo ah. Haddii ilmaha caruurta ah laga galay faldambiyeed, sida jirdil ama tacaddi galmo la xiriira, waxaa booliiska la gaarsiinayaa dacwad arrinta ku saabsan, kedibna booliska ayaa dembi baaris ku samaynaya faldambiyeedka meesha ka dhacay.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter