Taageerada iyo caawimada waayeelka ee gobolka Stockholm

(Stöd och hjälp till äldre i Stockholms län)

Marka waayeel la noqdo waxa loo baahan karaa taageero iyo caawimo noocyo kala duwan ah si qofku iskii ah oo ammaan ah noolaado. Xafiiska degmada ayaa waayeelka siiya kaalmo iyo caawimo, taas oo loo yaqaan daryeelka waayeelka (äldreomsorg).


Adeegga guryaha iyo guryo gaar ah ee waayeelka

(Hemtjänst och särskilda bostäder för äldre)

Dadka gabowga ah oo aan awoodin in ay is maamulaan waxay degmadu siisaa gargaar adeeg iyo guryo gaar ah. Gargaar adeeggu waxa weeye kolka, shaqaale degmada ka socda, ay guriga ugu tagaan qofka gabowga ah oo ka caawinaan naafada, fayadhawrka iyo cuntasiinta.

Haddii ay qofka hayso baahi inta ka weyn waxaa la dejiyaa guryo gaar ah oo loogu talagalay dadka gabowga ah, sida servicehus, ålderdomshem, gruppboende ama sjukhem.

Haddii la doonayo in la codsado gargaarka adeegga ama guryaha gabowga waxaa laga la xiriirayaa xoghayaha gargaarka bulshada ee degmada.


Adeegga Hawlfududeeyaha ee waayeelka

(Fixarservice för äldre)

Adeegga hawlfududeeyaha (loo yaqaan iswiidhishka Fixare) waa qof kaa caawin kara hawl maalmeedka fudud, sida waxyaabo kugu adkaan kara in aad qabsato ama waxyaabo keeni kara khatar in aad meel ka soo dhacdid ama dhaawac kugu yimaaddo. Adeegga Fixare ma beddeli karo adeeggii daryeelka guriga, ama hawl qof farsamo yaqaan ah u baahan.

Hawlaha maalinlaha ah waxa ka mid noqon kara bedelidda nalka/guluubka, beddelaada daahyada, musbaarka sawirka gidaarka lagu xidho, shay laga soo qaado guriga qaybtiisa hoose, sare, ama khaanado sare, kala hagaajinta fiilooyinka/xarkaha dabka iwm. Adeegga hawlfududeeyuhu waa bilaash oo waxa bixiya xafiiska degmada, laakiin qofka ayaa iska bixinaya haddii qalab/alaab loo baahdo.


Wakiil

(Fullmakt)

Wakiil (Fullmakt) waxaa loola jeedaa xuquuqda metellida qof kale, tusaale ahaan qof weyn ayaa qof ay qaraabo yihiin ama qof kale uga baahan in loo maamulo la xidhiidhka farmashiyaha, bangiyada ama xafiisyada dawladda. Si loo ansixiyo oo loo aqbalo wakiilnimada waxa badanaa loo baahan yahay qoraal wakiilnimo. Bangiyadu waxa ay badanaa leeyihiin foomam u gooni ah oo la isticmaalo. La xidhiidh bangigaaga iyo xafiisyada dawladda si aad u heshid macluumaad dheeraad ah.

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter