Hawl gabka, marka shaqada la joojiyo

(Pension när man slutar arbeta)

Marka la gaaro da’ aan laga shaqeyn karin, waxaa la siiyaa qofka gunno loo yaqaan gunnada hawlgabka. Hawlgabku waa mushahaaro kuu dhigan tahay, oo ay bixiyaan dawladda, shaqo bixiyaha ama sanduuq keyd.

Da’da caadiga ah ee lagu galo hawlgabka waa 65 sano, laakiin waxaa xaq loo leeyahay in la shaqeyn karo, ilaa laga gaarayo 67 da’da sano. Gunnooyinka hawlgabka qaar baa lagu qaadan karaa, marka da’daadu gaarto 61 sano, hawlgabka loo yaqaan hawlgabka damaanqaadsan ah waxaa lagu qaadan karaa marka da’da la gaaro 65 sano jir.

Haddii aanad shaqeyn jirin, waxaad xaq u leedahay hawlgabka loo yaqaan hawlgabka damaanad qaadsan. Haddii aad shaqeyn jirtay, waxaa uu ka kooban yahay hawlgabkaagu qeybo kala duwan, oo qaar aad dhiganayso sanduuq keyd oo aad adigu xulanayso.

Sanad kasta waxaa ay dawladdu soo diraa buqshad midabkeedu cawlaan yahay, kaasi oo ay ku qoran tahay inta ay leeg tahay lacagta aad u qaadanayso gunnada hawlgabka ee guud, marka aad shaqada ka gasho hawlgab. Dhammaan dadka shaqeyn jiray, waxay xitaa leeyihiin hawlgabka shaqaalaha oo uu bixiyo shaqo bixiyuhu. Dad baa jira, iyagu, intaa ka sakow, samaysta caymiska hawlgabka gaar loo leeyahay, kana samaysta bangiyada iyo shariikado kale oo keydka hawlgabka ku shaqo leh.

Faahfaahin ku saabsan hay’adda hawlgabka, ka akhriso bogga internetka ee: www.pensionsmyndigheten.se Waxaa ku yaal warbixinno ku qoran afaf kala duwan.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter