Haddii labada waalid kala tagaan

(Om föräldrar separerar)

Haddii ay waalidiintu ay wadajir u lahaayeen xilka waalidnimo ee ilamaha, islamarkaasna ay kala tagaan ama is furaanba, wadaaggii mulkiga xilka waalidnimo way sii soconaysaa, haddii aanu jirin go’aan kale oo la gaaray.


Deggenaasha iyo xiriirinta ubadka

(Boende och umgänge)

Waalidiinta ayaa wadajir u go’aaminaya meesha ugu habboon ee uu ilmuhu ku noolaanayo, marka ay yimaadaan kala tag iyo furiin.

Dhammaan carruurtu waxay xaq u leedahay joogto iyo shaqsiyanba xiriirin la yeeshaan labadooda waalidba. Taas waxaa la yiraahdaa xaqa xiriirinta. Waalidiinta wadajir ahaan waa xil saaran inay hubiyaan in ilmuhu uu la kulmo labada waalidba.

Haddii ay labada waalid ku heshiin waayaan meesha uu ilmihu ku noolaanayo ama wakhtiyada uu ilmuhu la kulmaayo waalidka kale, waxaa talo iyo taageerid siinaya maamulka degmada, si ay u gaaraan heshiis arrimahaas ku saabsan. Haddii intaas kadib, ay haddana heshiis gaari waayaan, waxay isla tegayaan maxkamad.


Taageeridda masaarifta ilmaha

(Underhållsbidrag)

Waalidiintu wadajir ahaan bay waajib ugu tahay inay mas’ruufaan ilmahooda, furiinka kadib. Haddii ilmuhu uu la deggen yahay mid ka mid ah labada waalid, waalidka kale waxa uu bixinayaa taageeridda masaariifta ilamaha, haddii ay ku heshiin waayaan, waxay talo iyo taageerid ka helayaan maamulka degmada ama waxay isla tegayaan maxkamad.


Bulshadu waxay siin kartaa kaalmo

(Samhället kan ge stöd)

Bulshadu waxay kaalmo u fidinaysaa waalidiinta iyo carruurta ay la soo deristo dhibaatadu. Dhibaatadu waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, khilaafaad ka dhex aloosmay carruurta iyo waalidiinta, ama caafimaadka carruurta oo xumaaday sababbo kala duwan awgeed. Markaas waxaad kaalmo weydiisan kartaa xafiiska maamulka bulshada ama xarunta qoysaska ee ku yaal degmada aad deggan tahay. Waxaad kale oo la xiriiri kartaa kalkaalisada caafimaad iyo lataliyaha iskuulka ilmahaagu dhigto.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter