Faldambiyeedka qoyska dhexdiisa

(Brott inom familjen)

Tacadiga iyo hanjebaadda had iyo jeer waa xadgudubiyeed uu qof ku sameeyo qof kale, waana faldambiyeed sida uu sharciga Iswidhan u yaal qabo. Sida axdiga Jamciyadda Qarammada Midoobay ee ku saabsan xuquud bini aadamka, lama ogola in qofna lagu sameeyo tacadi.

Faldambiyeedka dadka xigtada dhow ah, micnaheedu waxaa weeye faldambiyeed uu ku kacay lammaanaha is qaba mid ka mid ah, waalidiin, walaal ama qaraabo kale oo aad isku xigtaan. Waxa uu noqon karaa laxaadka jirka loo geystay, mid nafsadda qofka loo geystay ama mid tacaddi galmo ku saabsan. Waxaa kale oo uu noqon karaa in mid ka mid ah lammaanaha uu kantroollo, qasbo, handido ama uu meel ku xirto kan kale. Dhammaan noocyada faldemiyeeda dadka is xigaa kala galaan, waxaa lagu mutaysan karaa ciqaab xabsi ah.

Noocyadan faldambiyeedyada ahi waxay ka dhex dhacaan dhammaan kooxaha bulsho ee kala duwan, noocyada xigtanimo ee kala duwan iyo dhammaan dhinacyada kala duwan ee aduunyadaba. Faldambiyeedku inta badan waxaa uu ka dhacaa guriga dhexdiisa.

Sababaha keena tacaddiga iyo caddaadinta way kala duwannaan karaan. Mararka qaarkood waxaa keena tacaddiga iyo handidaadda waxay la xiriiraan khamriga, daroogga ama jirro maskaxda la xiriirta. Inta badan meesha kama maqna masayr iyo hinaase, ama mid ka mid aha lammaanaha ayaa doonaya in awood iyo kantrool ku hayo kan kale. Tacaddiga waxaa kale oo uu ku xirnaan karaa waxan loo yaqaan aragtida ku sal leh sharafbeelka. Markaas oo la kantaroollo lana xadiddo dumarka, gabdhaha iyo wiilasha noloshooda, si loo ilaaliyo qoyska sharaftiiisa.

Sidee raadreeb loogu yeeshaa carruurta?
(Hur påverkas barnen?)

Carruurta ku nool qoys uu ka dhex jiro tacaddi, waxaa sida ay doontaba ha noqotee, soo gaara dhaawac. Waxay noqon kartaa walbahaar, u keena isku buuq, iyo in uu noqdo rabshoole, ka xasarad badan carruurta kale. Xitaa haddii aad is tiraahdo, carruurtu may arag ama may dareemin tacaddiga iyo handiddaada ka dhex socda xigtada isku dhow. Ilmo carruur ah oo arkay tacaddi ka dhex jira qaraabada aad isku dhow, waxaa loo tixgelinayaa dhibbane, sida uu qabo sharaciga Iswidhan.


Dacwad soo gaarsiinta booliiska

(Polisanmälan)

Waa muhiim inaad booliiska u dacwootid, haddii faldambiyeed laguu geysto. In aad booliiska u dacwootaa, waxay soo afjaraysaa tacaddiga iyo sharafdilka.

 

 

RSS
Follow by Email
Facebook
Twitter