Guur iyo wada-noolashada
(Äktenskap och samboende)
Waxaa jira wadankan Iswidhan xeerar u gaar ah arrimaha qoyska. Xeerarkaas oo ku saabsan arrimaha guurka, wada deggenaashaha, xiriirka u dhexeeya waalidiinta iyo carruurta. Shuruucda qoysku waxay caddeynaysaa xaqa iyo waajibaadka mid waliba midka kale uu ku leeyahay.
Guurka
(Äktenskap)
Guur waxaa geli kara laba ruux oo qaangaar ah. Waa heshiis sharci ah oo uu nidaamiyo xeer gaar ahi, (Äktenskapsbalken).
Lammaanaha is qabaa waxaa mid kastaa uu qaadayaa masuuliyadda masaariiftiisa iyo tan qofka ay is qabaanba, sida waafaqsan sharciga. Taas micnaheedu waxa uu yahay in laba lammaane ay wadajir masuul uga yihiin dhaqaalaha reerka iyo hawlaha gurigaba. Haddii ay lammaanuhu leeyihiin carruur waxay labaduba bixinayaan masaariifta carruurta.
Laga bilaabo 1 maajo 2009 waxaa uu guurku noqday mid dhexdhexaad ka ah jinsiga. Taas micnaheedu waxaa uu yahay in laba qof oo isku jinsi ah ay isku guursan karaan shuruuddaha ay isku guursadaan dadka kala jinsiga ahi.
In aad guursato
(Att gifta sig)
Si aad u guursato waa in aad ka codsataa hay’adda cashuuraha inay kaa baaraan sababaha caqabad ku noqon kara guurkaaga. Taas micnaheedu waxaa weeye in hay’adda cashuuruhu ay kantroosho inay jirto sabab loo hor joogsan karo guur inaad gasho, sida sharciga waafaqsan.
Sababbaha loo horjoogsan karo guurka waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, haddii labada qof ee doonaya inay is guursadaan mid ka mid ihi uu ka yar yahay 18 sano, ama mid ka mid ihi uu qabo ama la qabo.
Qof kasta oo dumar ah ama nin ah wuxuu xor u yahay in uu guursado qof ka uu isagu u xusho in uu guursado. Wax loogu yeero guurka qasabka ah waa mabnuuc, sida uu qabo sharcigu.
Waxaa la dooran karaa in qaab diinni ah la isku mehersado, iyada oo lala kaashanayo hay’adda ururrada diinta. Qofka laba ruux isku meherinayaa waa in uu haysto ruqsadda meherinta, si ay ansax u noqoto, sida waafaqsan sharciga.
Waxaa la dooran karaa in la isku mehersado qaab madani ah, meherka noocaas oo loo yaqaan meher madani, waxaa meherinaya qof ka tirsan shaqaalaha maamulka gobolka (Länsstyrelsen).
Xiriirka wada deggenaashaha
(Samboförhållande)
Xiriirka wada deggenaashuhu waa laba qof oo wada deggen, leh’na xiriirka dadka is qaba oo kale ah. Dadka leh xiriirka wada deggenaashaha waxay noqon karaan kuwo isku jinsi ah ama kala jinsi ah.
Sharciga xiriirka wada deggenaashaha waxa uu caddeynayaa xaquuqda iyo waajibaadka ay isku leeyihiin labada ruux. Dadka uu ka dhexeeyo xiriirka wada deggenaashuhu ma laha xuquuq iyo waajibaad la mid ah kuwa ay isku leeyihiin dadka is qabaa oo kale, tusaale ahaan, marka ay timaado xaaladda kala tegid ama dhimasho.
Is furiinka iyo kala dudniinka
(Skilsmässa och separation)
Waxaa jira xeerar kala duwan oo ku saabsan furitaanka iyo kala dudniinka.
Furitaanka
(Skilsmässa)
Lammaanaha is qaba ee doonaya in ay is furaan, waxay u gudbinayaan maxkamadda degmada (tingsrätten) codsi ku saabsan furitaankaas.
Marka ay lammaanuhu ku heshiiyaan inay is furaan, ayay si toos ah furiinkoodu u noqonayaa ansax, haddii aanay jirin carruur da’doodu ka yar tahay 16 sano. Haddii ay lammaanuhu ay leeyihiin ubad, waxay marka hore yeelanayaa wakhti loo yaqaan wakhtiga ka fakirka oo dhan lix billood. Wakhtigaas kadib ayaa furiinku noqonayaa mid ansax ah.
Haddii lammaanaha mid ka mid ahi doono furiinka, waxaa ay xaq u leedahay ama uu u leeyahay, in lix billood oo ka soo fakir ah kedib uu furiinkii hirgalo.
Marka lammaanuhu is furaan, waxaa la samaynayaa kala qeybsasho, taasi oo dhammaan hantida lammaanaha si siman loo kala qeybsanayo. Si aad u hesho warbixin intaas dhaafsan oo ku saabsan kala qeybsashada waxaad kala tashan kartaa maamulka degmada ama qof xeer yaqaan ah.
Kala dudista iyo dad leh xiriir wada deggenaasho
(Separation vid samboförhållande)
Xiriirka wada deggenaashuhu dhinaca sharciga iyo dhaqaalahaba, waxaa uu leeyahay damaanad la mid ah kan is qabniinka. Xiriirka wada degganaashuhu haddii uu dhammaado, waxaa uu leeyahay sharcigu waa inay kala qeybsadaan labada ruux wixii ay wadajir u soo iibsadeen intii ay wada deggenaayeen. Labada ruux ee wada deggen way samayn karaan kala qeybsasho haddii ay sidaas doonayaan iyagu.
Talobixinta qoysaska
(Familjerådgivning)
Lammanaha ay la soo diristo dhibaato dhexdooda ahi ama doonaya inay is furaan, waxay la tashan karaan talobixinta qoysaska. Talobixinta qoysasku waxay ka caawin karaa lammanaha sidii ay u xallin lahaayeen dhibaatada jirta. Si aad wakhti uga qabsatid talobixinta qoysaska waa in aad la xiriirtaa maamulka degmada aad ku nooshahay.
Dhaxalka
(Arv)
Waxaa jira sharci u gaar ah dhaxalka (Ärvdabalken – Qeybta dhaxalka), oo ka hadlaysa cidda xaqa u leh inuu dhaxlo haddii qof dhinto. Waxaa jira xeerar kala duwan oo u kala qeexan dadka is qaba iyo kuwa leh xiriir wada deggenaasho. Sida la isku dhaxlaayo, waxaa wax ka bedeli kara dardaaranka. Laakiin carruurtu mar kasta waxay xaq u leeyihiin inay dhaxlaan waalidiinta dhashay, wiilasha iyo gabdhuhuna si siman ayay u helayaan dhaxalka.
Haddii aad doonaysid in aad warbixin faahfaahsan ka heshid sharciga dhaxal iyo sida oo kale haddii aad doonaysid inaad qortid dardaaran, la xiriir sharci yaqaan.